berberatoday.com
Madaxweynaha Puntland Oo Wada-hadallada U Socda Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Awgeed Weerar Afka Ah Ugu Qaaday Cali Khaliif Galaydh
August 11, 2016 - Written by Berbera Today

“Cali Khaliif waxa ku dhacay Xanuun Qofku jeclaado Qofka markii hore u dhibay..” Dr. Gaas

Garoowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maamul-Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa ka hadlay Wada-hadallada u bilaabmay Kooxda Cali Khaliif Galaydh iyo Dawladda Somaliland, waxaanu Weerar Afka ah ku qaaday Cali Khaliif.

Dr. Gaas oo Shalay dib ugu laabtay Magaalada Garoowe, ka dib Safar uu ugu maqnaa Magaalada Muqdisho oo uu kaga qayb-galay Shirkii Madasha Wada-tashiga Soomaaliya ee lagaga arrisanayey Doorashooyinka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu Maqlay Wada-hadallada u socda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh, laakiin wuxuu sheegay in Maamulkiisa Puntland aanu aqoonsanayn Kooxda Khaatumo, sidaa daraadeed Galaydh yahay Shaqsi dan leh.

Madaxweyne Gaas oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Waxaan Maqlayey Cali Khaliif oo leh waxaanu heshiis la galeynaa Somaliland, horta Maamul Khaatumo la yidhaahdo oo aanu Aqoonsanahay ma jiro.”

Warka Madaxweynaha Puntland

Gaas wuu muujiyey inuu ka xun yahay Wada-hadallada Nabadeed ee u socda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo, waxaanu weerar Afka ah ku qaaday Dr. Galaydh, “Cali Khaliif waxa ku dhacay Xanuun Qofku jeclaado Qofka markii hore u dhibay, markaa Somalilandtii markii hore caydhsanaysay hadduu jeclaaday waanu u duceynaynaa ee ha u tago.”ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews