Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo Khudbad Aqooneed ku Saabsan Hoggaaminta Iyo Dhaqaalaha ka Jeediyey Jaamacada New Generation Iyo Su’aalo Ardaydu weydiisay Iyo Jawaabo Ku Du’xay Quluubta dhegeystayaasha(Daawo Sawiirada).
Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa Cawa Khudbad aqooneed ku duxday quluubta Ardayda ka jeediyey Jaamacada New Generation Faraceeda Magaaladda Hargeysa. Khudbad aqooneedkan uu Musharraxu jeediyey oo ku saabsanayd doorka hoggaamiyuhu ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha (Lecture ka (The Impact Leadership On Economy) ama SaamayntaHargeysa(Xogreebnews)-Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa Cawa Khudbad aqooneed ku duxday quluubta Ardayda ka jeediyey Jaamacada New Generation Faraceeda Magaaladda Hargeysa. Khudbad aqooneedkan uu Musharraxu jeediyey oo ku saabsanayd doorka hoggaamiyuhu ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha (Lecture ka (The Impact Leadership On Economy) ama Saamaynta Dhaqaalaha ee hoggaamiyaha ayey si wanaagsan oo asluub iyo aqooni ku dheehan tahay Ardaydu u dhegeysteen ugana faa’ideysteen aqoonta iyo xeel dheerida dhaqaalayahan Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo kamid ah shaqsiyaadka heerka sare ka gaadhay barashadda culumta dhaqaalaha. Maamulka guud ee Jaamacada New Generation ayuu Musharrax uga mahadnaqay garashadda iyo barista culumta dhaqalaha ee ay bareen ardaydan oo wax badan ka tari doona danahooda iyo sidoo kale Mustaqabalka beritoole ee Hoggaaminta dalka.