berberatoday.com
Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo Khudbad Aqooneed ku Saabsan Hoggaaminta Iyo Dhaqaalaha ka Jeediyey Jaamacada New Generation Iyo Su’aalo Ardaydu weydiisay Iyo Jawaabo Ku Du’xay Quluubta dhegeystayaasha(Daawo Sawiirada).
August 11, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa Cawa Khudbad aqooneed ku duxday quluubta Ardayda ka jeediyey Jaamacada New Generation Faraceeda Magaaladda Hargeysa. Khudbad aqooneedkan uu Musharraxu jeediyey oo ku saabsanayd doorka hoggaamiyuhu ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha (Lecture ka (The Impact Leadership On Economy) ama SaamayntaHargeysa(Xogreebnews)-Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa Cawa Khudbad aqooneed ku duxday quluubta Ardayda ka jeediyey Jaamacada New Generation Faraceeda Magaaladda Hargeysa. Khudbad aqooneedkan uu Musharraxu jeediyey oo ku saabsanayd doorka hoggaamiyuhu ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha (Lecture ka (The Impact Leadership On Economy) ama Saamaynta Dhaqaalaha ee hoggaamiyaha ayey si wanaagsan oo asluub iyo aqooni ku dheehan tahay Ardaydu u dhegeysteen ugana faa’ideysteen aqoonta iyo xeel dheerida dhaqaalayahan Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo kamid ah shaqsiyaadka heerka sare ka gaadhay barashadda culumta dhaqaalaha. Maamulka guud ee Jaamacada New Generation ayuu Musharrax uga mahadnaqay garashadda iyo barista culumta dhaqalaha ee ay bareen ardaydan oo wax badan ka tari doona danahooda iyo sidoo kale Mustaqabalka beritoole ee Hoggaaminta dalka.

Sidoo kale, Ardayda Jaamacada New Generation ayaa Su’aalo ku qotoma dhaqaalaha iyo hoggaaminta weydiiyey Musharrax Jamaal Cali Xuseen kuwaasoo dhamaantood uu uga wada jawaabay Ardaydii, isla markaana uga Faa’ideyey Cilmigiisa dhaqaalaha iyo qaabka loo kobciyo ama markaa uu qofku yahay Hoggaamiye dal kor loogu qaado dhaqaalaha dalka. Geesta kale, Khudbadda Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxay ka farxisay boqolaal kamid ah ardayda Jaamacada New Generation oo caawa nasiib u helay inuu aqoontiisa ilahay baray ugu deeqo Ardaydan, waxana laga dheehanaayey qulubta ardaydaa mid ku Xasishay Cilmiga kasoo baxay aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Docda kale, Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo kamid ah ragga ugu horreeya adduun-weynaha ee dhinaca dhaqaalaha maareeyey, isla markaana noqday Maamulaha guud ee of City Bank East Africa Tanzania, sidoo kalena kasoo shaqaayey dalal badan oo ku yaalla Dalweynaha Maraynkanka, Yurub iyo Africa, kaasoo intaba soo maamuleyn dhaqaalaha dalal badan, kuwaasoo uu weliba noqday Madaxa ugu sarreeya ee Bananka Waddamadda. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu culumta dhaqaalaha kusoo bartay Jaamacadda ugu wanaagsan ee dhaqaalaha aduunka oo ku taalla dalka Maraynkanka ee Harvard University, oo ah Jaamacadda ay kasoo baxan Madaxda dalalka aduunka ee dhaqaalahooddu meel sare maraayo ama kamid ah Waddamada dhaqaalaha ugu sarreeya adduunka. Haddaba akhristayaal waxanu iidinku Bushaaraynaynaa Inaanu Muuqaal idiinku soo Gudbin doono Khudbada Musharrax saacadaha soo socda Filasho wacan.



COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews