berberatoday.com
SANAAG: Maleeshiyo-Beeleedyo Dagaal Dhex Maray Oo Toddobaad Is-hor-fadhiya, Xukuumadda Oo Dad Rayid Ah U Xil-saartay Inay Kala Raraan Iyo Wararkii U Dambeyay
August 11, 2016 - Written by Berbera Today
Wasiirrada Arrimaha Gudaha Iyo Gaashaandhigga Somaliland Oo Dhaariyey 50 Xubnood Kala Qaada Maleeshiyaadka Iyo Su’aalaha Ka Taagan Sababta Dad Hubeysan Loogu Diray Dad Rayid Ah
Bacaha(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa amartay in la kala qaado Maleeshiyo-beeleedyo dhawaan Dagaal ku dhex maray Deegaanka Bacaha oo ka tirsan degmada Dararweyne ee Gobolka Sanaag, kuwaasi oo weli is-hor-fadhiya.
Maleeshiyaadkan oo Dagaalkoodu ka bilaabmay muran deegaan oo laba beelood oo halkaa wada dega dhex maray, ayaa waxa Labadii Maalmood ee u dambeeyay Xalkiisa halkaa u jooga Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde isla-markaana uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami.
Weftiga oo Shalay kulan la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Labada Beelood, ayaa dhaariyey 50 Xubnood oo labada Beelood ee dagaalamaya kala matalaya, kuwaasi oo Masuuliyiinta Dawladdu ka dalbadeen inay qaadaan Masuuliyadda Maleeshiyaadka is-hor-fadhiya, kalana qaadaan si aanu mar kale Dagaal uga dhex qarxin.
Qoraal Wargeyska Himilo ka soo gaadhay Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu Madax-dhaqameedka Labada Beelood hor-dhigay Saddex Qodob, kuwaas oo kala ah:-
1- in laga bilaabo Caawa (Xalay) ay si Shuruud la’aan ah u ku kala raraan Maleeshiyaadka Hubaysan ee ka soo kala jeeda labada Beelood
2- in Beel walba laga dhaariyo 25 Oday oo ah Mudanta reerka inay qaadanayaan Nabad oo dadkooda iyo beeshoodana nabaddaa u qaadayaan.
3- in Ciidamada Milletariga iyo Ciidanka Birmadku fasax u yihiin laga bilaabo Maalinta berri ah (Maanta) inay Ciddii ay hub ku qabtaan kala wareegaan, iyagana xabsiga u taxaabaan.”
Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay sheegtay in Go’aamadaa ay ku qanceen Odayaasha labada Beelood isla-markaana Beel walba laga dhaariyey min 25 Xubnood, kuwaasi oo dammaanad qaaday inay ka shaqeynayaan Nabadgalyada deegaanka Colaaddu ka dhacday, kalana qaadayaana Maleeshiyaadka illaa hadda is-hor-fadhiya.
Khamiista Maanta, ayaa la filayaa in Odayaasha la dhaariyey kala dhex galaan Maleeshiyaadka is-hr-fadhiya, isla-markaana kala raraan, si looga waaqsado Dagaal mar kale halkaa ka dhaca.
Berberatoday.com
COMMENTS
|