berberatoday.com
SANAAG: Maleeshiyo-Beeleedyo Dagaal Dhex Maray Oo Toddobaad Is-hor-fadhiya, Xukuumadda Oo Dad Rayid Ah U Xil-saartay Inay Kala Raraan Iyo Wararkii U Dambeyay
August 11, 2016 - Written by Berbera Today

Wasiirrada Arrimaha Gudaha Iyo Gaashaandhigga Somaliland Oo Dhaariyey 50 Xubnood Kala Qaada Maleeshiyaadka Iyo Su’aalaha Ka Taagan Sababta Dad Hubeysan Loogu Diray Dad Rayid Ah

Bacaha(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa amartay in la kala qaado Maleeshiyo-beeleedyo dhawaan Dagaal ku dhex maray Deegaanka Bacaha oo ka tirsan degmada Dararweyne ee Gobolka Sanaag, kuwaasi oo weli is-hor-fadhiya.

Maleeshiyaadkan oo Dagaalkoodu ka bilaabmay muran deegaan oo laba beelood oo halkaa wada dega dhex maray, ayaa waxa Labadii Maalmood ee u dambeeyay Xalkiisa halkaa u jooga Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde isla-markaana uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami.

Weftiga oo Shalay kulan la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Labada Beelood, ayaa dhaariyey 50 Xubnood oo labada Beelood ee dagaalamaya kala matalaya, kuwaasi oo Masuuliyiinta Dawladdu ka dalbadeen inay qaadaan Masuuliyadda Maleeshiyaadka is-hor-fadhiya, kalana qaadaan si aanu mar kale Dagaal uga dhex qarxin.

Qoraal Wargeyska Himilo ka soo gaadhay Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu Madax-dhaqameedka Labada Beelood hor-dhigay Saddex Qodob, kuwaas oo kala ah:-

1- in laga  bilaabo  Caawa  (Xalay) ay   si  Shuruud la’aan ah u ku  kala raraan   Maleeshiyaadka  Hubaysan ee ka soo kala jeeda  labada Beelood

2- in  Beel  walba  laga   dhaariyo  25 Oday   oo  ah  Mudanta reerka  inay  qaadanayaan  Nabad  oo dadkooda iyo  beeshoodana  nabaddaa u  qaadayaan.

3- in   Ciidamada  Milletariga iyo Ciidanka Birmadku fasax u  yihiin  laga  bilaabo  Maalinta  berri ah (Maanta) inay  Ciddii ay  hub  ku  qabtaan  kala wareegaan,  iyagana  xabsiga  u  taxaabaan.”

Cali Waran-cadde iyo Madax-dhaqameed

Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay sheegtay in Go’aamadaa ay ku qanceen Odayaasha labada Beelood isla-markaana Beel walba laga dhaariyey min 25 Xubnood, kuwaasi oo dammaanad qaaday inay ka shaqeynayaan Nabadgalyada deegaanka Colaaddu ka dhacday, kalana qaadayaana Maleeshiyaadka illaa hadda is-hor-fadhiya.

Khamiista Maanta, ayaa la filayaa in Odayaasha la dhaariyey kala dhex galaan Maleeshiyaadka is-hr-fadhiya, isla-markaana kala raraan, si looga waaqsado Dagaal mar kale halkaa ka dhaca.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews