“Waxaan Aad Ula Yabay Sababta Ay Xukumaddu Uga Soo Horjeedo Shirka Baxarosaafka Iyada Oo Aad Arkayso In Wasiiro Xukumadda Ka Mid Ahi Ay Ka Qabgalayaan Shirar-beeleedyo Kale”Cabdikariin Axmed Mooge
August 11, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Aqoonyahan Cabdikariin Axmed Mooge oo kamida dhalinyarada firfircoon ee Somaliland horena usoo noqday Wasiir kuxigeenka Wasaarada qorsheynta qaranka si iskiiyana isaga casilay oo hadana filaaqeeya siyaasada dalka kana mid ah urur la dagaalama qabyaalada ayaa waxa uu faalo kasameeyay shirar Beeleeyada Xukumada Madaxweyne Siilanyo qaarkoodana ka qeyb galayso qaarkoodana mabnuucday inay qabsoomaan sida shirka Beelaha Ciise Muuse ee Baxarasaafka oo Xukumadu awood dheeraada saartay sidii aanu uqabsoomi lahayn ilaa hadana diidan tahay. Cabdikariin Axmed Mooge oo arimahaas faalaynaya aya waxa uu pagekiisa face booka soo dhigay Qoraalka hoos ku qoran”
Wax la aqbali karo ma’aha oo cadaalad ma’aha in xukumada wasiiradeedu ay ka qayb galaan shirrar beleedyo hadana ay isla xukumadi tidhaahdo shirar-beeleedyo kama dhici karaan Somaliland!! oo walinba ay xidhxidho dadka ay ku tuhunto in ay ababulayaan shirarka anay u arkayn qaar xukumada u adeegaya iyadoo laga yaabo in ay xukumadu dhaqaale ahaan tageerto kuwa ay u aragto in danteedu ku jirto ama loogu guulwadeynaayo.
Qarankan waxa dan u ah in dhamaan la mabnuuco shir-beeleed oo dhan lakiin nasiib daradu waxay tahay siday taasi u dhici kartaa marka ay xukumadii joojin lahayd wasiiradeedi ay dhex-fadhiyaan oo ababulayaan kana dhex qudbaynayaan shirar-beeleedyo!!