berberatoday.com
2 Fasal Oo Lagu Dhisay $8,000. Ayuu Wasiirku Soo Dallacday Cheque $71,000. Ah!!! By Amir Bidde
August 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

wasiirka-iyo-agaasimaha-waxbarashada

Waxa is qabtay wasiirka waxbarashada iyo agaasimaha guud. wasiirku wuxuu shaqadii ka joojiyey agaasimhii isagoo ku eedaynaya inuu la shaqayn kari waayay. Agaasimaha guud isagoo iska difaacaya eedaymahaa ayuu saxaafadda qoraal dheer u soo gubiyey. Qoraalkiisa wuxuu ku sheegay inuu diiday inuu saxeexo cheque ay ku qoran tahay $71,000. waxa soo qortay jeegga wasiirka oo yidhi lacagtani waxay ku baxday 2 fasal oo laga dhisay dugsiga M.A. Sheef. Agaasimuhu wuxuu yidhi waxa caadiyan laba fasal la noogu dhisaa $8000. ee siday ku dhici kartaa in la toban jibbaaraa!!!!! Wasiirkii wuu xanaaqay agaasimihiina shaqada ayuu ka joojay. Bal adduunyadan mijaha loo rogay ee madaxii hooseeyo eega. Waar lacagtu miyayna ahayn tii laga soo ururiyey (cashuurtii) danyarteena ee la yidhi waa danta guud. Ma shaqsibaa sidaa ugu tagri falaya oo waliba la yaabban ninka ku yidhi waar ka daa sidaa maahee! Aaway wasiirkii maaliyadda ee lacagta u qorsheeyey wasaaradda waxbarashadu? maxay uga hadli wayday? Aaway hanti dhowrkii qaranku? Aaway barlamaankii maxay wasiirka uugu yeedhi waayeen oo arrintan u waydiin waayeen? Ogow oo eedyantu kama iman qof suuqa iska jooga ee waa agaasimihii guud!! oo haya caddaymihii. Waxa dalkeena madaxa kor u qaadaya oo dhibaato u arkayaaba in hantida ummadda lagu tagri falaaba ma jiro.

Carruurta Somaliland waxay waayeen fasallo ay ku kala faalalaan oo ay wax ku dhigtaan. Dugsiyadu waa ku cidhiidhi oo fasalkiiba (4mX4m) waxa ku jira ugu yaraan 60 arday oo qofkiiba in taako ah ayuu haystaa inuu ku fadhiisto. OO qaarkood ayna gacantu u bannaanayn si ay wax u qoraan cidhiidhi awgeed. OO hadduu midkood qufaco (xanuun hayo) inta kale markaaba ka qaadayso. Bal dadyohow iskuulada soo eega oo soo arka dhibaatada carruurteena haysata. Haddaad warsato sida arrintani ku dhacday ee carruurta la iskugu dul raseeyey waxa laguugu jawaabi: lacag baan jirin aynu fasalada ku kordhinno!!! Iskuulada qaar amaba wasaaradduba waxay baryaan hay’daha gaalada sida UNDP iyagoo leh iskuulkan fadlan hal fasal noogu dara. Nin maamule dugsi hoose ayaa beri igu yidhi UNDP waxa nagu tidhi jaajuurka idinku keensada in laba fasal ku filan annaguna waanu idiin dhisiye, waxaanu waynay wax naga caawiya jaajuurkii oo qiimihiisa lagu qiyaasay $1,000. Wasaaraddiina lacag ma hayno ayay tidhi.

Bal isku qiyaas akhriste dhibaatadan iskuulada ka taagan ee ubadkeenii haysata iyo arrintan Agaasimaha Guud ee waxbarashadu ka hadlayo.

Bani aadamku marka ay xumaanta dhegahooda, indhahooda ama maskaxdooda ay ka badato ee ay la qabsadaan ma dareemaan inay xumaan ku dhex jiraan. Tusaale ahaan waddamada gaalada dumarkoodu way qaawan yihiin (badhida & naasuhuba way muuqdaan) laakiin qof eegaya oo sidaa u fiirsanayaa ma jiro sababtoo ah waa lala qabsaday oo waxay noqotay wax caadi ah. Ka warran hadday magaalooyinkeena maanta soo dhex mari lahayd qof dumar ah oo Somali ah oo sida gaaladaa u qaawan?

Qolo walba qudhunka ay ku jirto way la qabsataa!!

Wa Billahi Tawfiq

A. Amir Bidde Nuur

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews