berberatoday.com
Musharax Jamal Cali Xuseen oo Mawduuc ku Saabsan Doorka Hoggaamiyuhu Ku Leeyahay Kobcinta Dhaqaalaha U Jeediyay Ardayda Jaamacada New Generation University Collage.
August 12, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharax jamaal cali xuseen ayaa caawa Lecture qiimo badan u jeediyay boqolaal ka mid ah Ardayda Jaamacada New Generation, Public Lecture kan oo ciwaankiisu ahaa (Impact Leadership on Economy ama Saamaynta Hogaamiyahu Ku Leeyahay Dhaqaalaha). Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacada New Generation oo soo qaban qaabiyay kulan aqooneedkan si Ardayda kor loogu qaado heerka aqoonta maadaama jamaal cali xuseen yahay khabiir ku takhasusay Cilmiga Dhaqaalaha si Ardayduna uga faaiidaysato. Iyadoo halkaasna suaalo aad u badan oo aqooni ka muuqato ay ardaydu ku waydiisay kuwaas oo dhamaantood mid mid uu uga jawaabay si qurux badan oo Tusaale iyo Tilmaanba leh iyo Waliba Sheekooyin Xiiso leh oo Mawduuca khuseeyay dhextaal uga dhigay taas oo fahamka ardayda wax badan ka tartay Ardayduna ay aad uga heleen sharaxaadiisa. Ugu horayn waxa hadalo soo dhowayn ah halkaas kazoo jeediyay Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada New Generation, isagoo sheegay in Jamal yahay dadka tirada yar ee Aduunku u aqoonsatay inuu yahay qof aqoonyahan ah oo karti iyo dadaal ku suntan wuxuu Gudoomiyahu sheegay in Roll modal kiisu yahay Jamal Cali Xuseen halka uu gaadhay marka loo eego maantana ku dhiiraday isagoo career kiisu meel fiican marayo oo xataa Mushaharkiisu ka badnaa Boqol Kun oo Dollar inuu ka doorbido inuu ka qaby qaato sidii dalka iyo dadkaba wax loogu qaban lahaa hogaaminta dalka yahayna qof daacad ah oo wax badan ka badali kara halka aynu maanta marayno. Sidoo kale wuxuu sheegay hadii Somaliland heli lahayd 10 Aqoonyahan oo Jamaal oo kale ah inuu wadanku horumar wayn gaadhi lahaa. Ka hor intaan jamaal lagu wareejin makarafoonka, Macalin Muumin ayaa halkaa ka akhriyay Taariikh nololeedka Jamaal ama (CVga) xaga Waxbarashada iyo khibaradiisa shaqo mudo 25 sano ah kasoo shaqeeyay 7 qaaradood Aduunku 6 kamid ah. Kulankan ayaa kusoo dhamaaday jawi Aqoon korodhsi iyo farxad ah ardaydana dhiiri galisay si fiican loo kala faaiidaystay waxaanay ardaydu ka codsadeen in lasii xoojiyo xidhiidhka Musharax Jamaal iyo Jaamacada New Generation. wuxuuna u balan qaaday inuu mar walba diyaar u yahay kulanada aqoon wadaaga ah inuu la share gareeyo dhamaan ardayda Jaamacadaha Somaliland. Kaliya ay ku xidhantahay in Ardaydu ay ogolaansho ka helaan Maamulka Jaamacada ama Maamulka Jaamacadu laftiisu ku dhiirado inuu martiqaad u fidin karo Sida Jaamacada New Generation University Collage.

ger1 ger3 ger4

 

Allaa Mahad Leh. By. Gacayte.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews