berberatoday.com
Sir Culus :- Madaxa Imtixaanaadka Somliland Da’uud Gadhweyne oo 10ka ardey ee ugu sareeya iibsadey iyo Sheeko dhab ah oo la helay
August 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com)- Gudoomiyaha Xafiiska imtixaanadka qaranka somaliland Daa’uud Gadhweyne oo ah gudoomiyaha kaliya ee 20 sano haysatay xil wasaarada waxbarashada somaliland ah ayaa waxaa baryahan danbe ku soo badanayey xafiiska uu masuulka ka yahay inuu musuq maasuq ku kaco taasi oo uu ardayda eexasho iyo kala hormarin ku sameeyo 10 ardey ee sanad walba ugu horeysana uu si hoosa uga iibsado iskuulada privetka ah iyo ardeyda waalidiinta lacagta haysta, taasi oo aan lagula xisaabtamin oo xukuumad iyo shacab toona aaney maalin qudha aan waxaba layska weydiin.

Qiso dhaba oon lakulmey intaan waxbarshada ku jirey

2003 waxaa dhacdey dhacdo runa oo uu daauud sameeyay barigaa way yareyd iskuulada privetku iney dugsiya sare yeeshaan lakin kuwa dawlada yaa lahaa waxaa uu iskuulka gacan libaax ayaa inankii kaalinta koobaad galey oo hadaaney maskaxdeydu ixadeyn la odhan jirey Miigane uu galay kaalinta koobaad , Gudoomiye daa’uud ayaa duudsiyey ardeygaas waxaanu siiyey ardey kale oo 26june ah si uu ku siiyeyba .

Maamulihii Alaa ya raxmee Aadan beeg iyo macalimiintii ugu waaweynayd ee uu ugu horeeyay macalinka Xisaabta Somaliland ee Muxumed aw cali. ayaa la dagaalmay daa’uud waxaaney soo xaqiijiyeen in maadad biology ah lag tuurey oo B layska siiyey ardeygaas miigane ……..

Xaqiiqdii markii lasoo hordhigey Wasaarada iyo xafiiska imtixaanadka waxaa laysla qaatey inaan la kashifin wasaarada iyo xafiiska imtixaanaadka oo la asturo inankiina Raali galin ayuu siiyey Mr.Daa’uud iyo Madaxda xaafiiska imtixaanaadka ma xasuusto in lacag magdhow ah la siiyey iyo in kale .

Sheekadaa xaqiiqdeeda waxaad ka ogaan kartaa macalinka xisaabta ee caanka ka ah hargeysa ee ilays schondry dhiga Alle ha xifdiyee Muxumed awcali.

Hadaba dhow mar oo kale Mr.daa’uud sidaasuu ugu khaldamey ardeykale, lakin tii hore laysla soo dhaaf , waxaa la marayaa heer ay iskuulada privetka ahi ku tartamaan kaalmaha koobaad iyo tobanka  uhoreeya iyagoo lacago xad dhaafa ubalan qaada qaarna siiya gudoomiyaha mudada ku raagey ee aan lala xisaabtamin una haysta meesha inuu leeyahay .

Tusaale sanadkan waxaa dhacey shalay markuu ku dhawaaqey natiijada waxaa natiijadii ka hadlay , Aadan muuse oo ah maamulaha dugsiga sare ee sheekh ee boodhinka ah oo yidhi cadaalad maaha , waxeynu ognahay inanka boodhinka sheekh ku jiraa inuu ka darajo sareeyo oo ka tayo fiican yahay inanka iskuulka nuuradiin dhigta ee maamule mahad iyo khadar cakuushe haystaan.

lakin waxaa nasiib daro noqotay inanka dugsiga boodhinka ah ee sheekh ku jiraa inuu ka sareeyo oo uu ka qaato kaalinta koobaad in maamule mahad lacag ku iibsadey kalintii uhoreeysay  , halka kuwii sheekh ka soo baxayey la siiyey si loogu qanciyo A grade.

Daa’uud oo is og waxaa uu sameeyay maanta waxaa uu ugu hanjabey aadan muuse shaqadaan kaa joojinayaa ,

Lakin Daa’uud miyaanu ogeyn in dugsiga sheekh aaney dawladu maamulin ee uu haayad gaara ahi oo somaliland caawineysaa maamusho .

 

Wixii warar ee ka soo kordha wararka dagaal ee ka dhexbilaabmay

Aadan muuse(Maamulaha sheekh) iyo Daa’uud

kala soco berberatoday.com

 

Berberatoday.com

Berberatoday1122@hotmail.com

London

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews