berberatoday.com
Sir La Helay”Cabdiraxmaan Ciro Oo Ogolaaday In Mudo Laba Sabadooda Xukumada Siilanyo Loo Kordhiyo Iyo Balan Qaad Xukumadu Usamaysay+Muuse Biixi Oo Daaqada Laga Saarayo H
August 12, 2016 - Written by Berbera Today

sadexda gudoomiye XisbiHargeysa(Berberatoday.com)-Wararka ay helayso Shabakada Wararka ee Berberatoday.com ayaa xaqiijinaya in heshiis hoose oo qarsoodiyi uu dhex maray Beesha Habar Jeclo iyo beesha Habar Yoonis heshiiskaasi oo ah in mudo kordhin laba sanadooda loo sameeyo Xukumada Madaxweyne Siilanyo Iyo Golaha Wakiiladaba,

Wararku waxa kaloo ay intaas ku darayaan in mudo kordhintaasi kadib ay beesha Habar Jeclo taageerto Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi(Ciro)sidii uu unoqon lahaa Madaxweyne labadaas sanadood kadib.

Iyadoo Xisbiga Ucidna labada Beelood ee Habar Jeclo iyo Habar Yoonis ku heshiiyeen in Jamaal Cali Xuseen dadaal loo galo sidii Musharaxnimadiisu sharci unoqon lahayd si loo kala jabiyo beel  Weynta Habar Awal Muuse Biixina halkaas lagu khaarajiyo Musharxnimadiisa oo cidla uu uga qaato cabdiraxmaan Ciro.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Musharaxa Xisbiga waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa durbaba fuliyay heshiiskaasi oo ay ka muuqatay ansixinta Heshiiska lagu dhaxal wareejinayo Dekeda Berbera ee ay wadatay Beesha Habar Jeclo maantana loo ansixiyay sida Muga leh ee ay ka dhex muuqdeen Xildhibaanadii Xisbiga Waddani katirsanaa ee gacanta Midig ee cabdiraxmaan Ciro ahaa sida Ibraahim Mahdi Buubaa, Ibraahim Jaamac Reyte iyo kuwo kaloo badan.

wararku waxa kaloo ay sheegayaan in shir ka dhacay habeen hore Madaxtooyada oo Sadexda Gudoomiye Xisbi ka qeyb galeen iyo Madaxweyne Siilanyo uu halkaas Cabdiraxmaan Ciro kaga dhawaaqay in aanu waxba ka qabin in laba sanadood loo kordhiyo Xukumada Madaxweyne Siilanyo hadalkaasi kasoo yeedhay Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxa aad uga cadhooday Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo goobta fadhiyay isaga oo Muuse Biixi isla goobtii kaga dhawaaqay in aan hal maalin loo kordhinayn Xukumada Madaxweyne Siilanyo waxaanu intaas warki ku daray in Muuse Biixi Cadho kaga baxay shirkaas Madaxtooyada ka dhacay markuu baxay kadibna qorshaha Labada beelood ee Habar Jeclo Iyo habar Yoonis Goobta Lagu go,aamiyay,

kulanka ayaa waxa soo qaban qaabiyay oo oday ka ahaa hirgalintiisa Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan(Saleebaan Gaal)

 

 

 

Berberatoday.com

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews