berberatoday.com
Waa in wada hadalada Khaatumo la balaadhiyaa oo laga saaraa beelaha loonas ogolaadaa in xisbiyada mucaaridku ka qayb qaataan
August 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Wada hadalada u bilaabmay kooxda Khaatumo iyo xukumadda Somaliland oo ay ahyd in ay qabsoomaan xiligani wakhti ka horeeya, ayaa waxa haboon in xisbiyada qaranka laga qayb galiyo ka qayb qaadashada wada hadaladani, sidoo kale waxa haboon in golaha xukumadda oo ka kooban dhamaan madax ka soo kala jeeda goolada dalka oo dhan ay ka qayb qaataan.

Waxa aan ognhay in xiligani madaxweynaha dalka maamulaaya aanu ahayn nin dalka gacanta ku haya oo ay taladiisii la wareegeen xubno qoyskiisa ka mid ah siiba afadiisa iyo wiilka qaba inantiisa, sidoo kale waxa soo badnaaya awoodaha qarsoon ee rag xil ka haya dawlada iyo kuwo aan xil ka haynin oo awoodoodu ay maalinba maalinta ka danbayso ay isi soo tarayso.

Waxna argagax noqotay in kulankii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaa maamulka Khaatumo iyo xukumadda Siilaanyo uu ahaa mid aanay haba yaraatee dhanka Somaliland ka muuqanin madaxdii ama wasiiradii dawlada u matali lahaa wada hadaladaasi, kuwaasi oo la filaayay in ay ka soo kala jeedaan badiba gobolada dalka oo dhan, waxa nasiib daro noqotay in xisbiga Kulmiye iyo 5 xubnood oo ay isga isku deegaan ka soo jeedaa ay matalaan xaga Somaliland arintaasi oo xaga wada hadalada hoos u dhigi karta, tusaale ahaan gudoomiye ku xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin iyo xubno ay isku deegaan ka soo wada jeedaan ayaa hor fadhiistay ama qaabilay kooxda Khaatumo ka socotay arintani waxa ay ku tusi kartaa in laba beelood wada hadlayaan oo aan wali loo galin wada hadaldii rasmiga ahaa.

Taas waxa ka sii daran oo soo shaac baxaysa in kaalintii ay xukumadda Siilaanyo lahayd ay boobeen oo qaateen hogaamiye dhaqameed sida Boqor Buurmadow oo kale oo lasheegaayo in uu wado wada hadalo u dan ah xukumadda Somaliland, waxna halkaasi kaaga muuqa in si toos ah Siilaanyo looga maroorsaday awoodii iyo taladii dawladeed, waxa aan halkani laga soo jeedinayaa in gogosha walaalaha Khaatumo lagu qaabilaayo la balaadhiyo oo dhamaan reer Somaliland ay ogaadaan wada hadalada iyo dib u heshiisiinta si loo gaadho xal waara oo aan dib u soo noqonin loona arag cid danbe oo wax tirsanysa, taasi oo qof kasta iyo cid kastaba la siinaayo xuquuqdooda iyo waxa ay xaq u leeyihiin.

Sidoo kale waxa haboon in kulamada Khaatumo iyo Somaliland laga qayb galiyo xisbiyada mucaaridka sida UCID iyo Waddani oo ay goob joog ka ahaadaan wada hadalada, sid adlaku mar isula wada talaabsado.

La soco qaybta labaad

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews