Wasiir Xuseen dayr oo Xanta madaxtooyada laga qariyo iyo shaqadii Wasaarada Ganacsiga oo Wasiiro kale qabanayaan + Xanta magaalda hargeysa ugu jirta
August 12, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeisa (Berberatoday.com)-Wasiirka Ganacsiga Somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr) Ayaa Noqday Wasiirka Keliyaata Ee Aan Ogayn Waxyaalaha Wasaaradiisa Ka Socda,Gaar Ahaana Heshiisyada Ganacsi Ee Lala Galo Shirkaddaha Waaweyn.
Wasiirka Ayaan Wax War Ah Ka Hayn ,Sidoo Kalena Aan Wax Gacan Ah Ku Lahayn Heshiiska Ay Xukumada Uu Ka Tirsan Yahay La Gashay Shirkadda DP World,Kaas Oo Dhowaan Ay Ansixiyeen Qoddobo Laga Soo Xulay Heshiiskaasi Golaha Wakiilada Somaliland.
Wasiirka Ayaa Intii Uu Xilkaasi Qabtay Ahaa Mid Aan Wax Badan Ka Bedelin Wasaaraddaasi ,Sidoo Kalena Aan Wax Buuran Kusoo Kordhin,Iyada Oo Kamid Ah Wasaaradaha Wadamada Adduunka ,Taas Oo Ay Dhaq Dhaqaaq Ugu Dambaysay Waqtigii Uu Haystay Xilka Wasiirnimo Ee Wasaaraddaasi Wasiir Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar Oo Uu Madaxweyne Siilaanyo Xilka Uga Qaaday Taageero Uu U Muujiyey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Waqtigii Uu Khilaafku Ka Dhex Taagnaa Madaxweyne Siilaanyo.
Ilaa Hadda Lama Oga Sababta Keentay In Aanu Wasiirkaasi Ka Muuqan Saaxada Wax Qabad Ee Dalka,Gaar Ahaana Wasaaradiisa Oo Ah Mid Aad Ugu Muhiim Ah Dalkan Somaliland.
Waxa Dhanka Kalena Meesha Ka Baxay Qaybta Maalgashiga Caalamiga Ah Ee Wasaaradaasi Oo Uu Sameeyey Maxamed Cabdilaahi Cumar Waqtigii Uu Wasiirka Ahaa,Taas Oo Dar dar Gelisay Waqtigasi Hawlaha Maalgashiga Caalamiga Ah Ee Dalka,Waxaanay Waqtigaasi Shirar Caalami Ah Kaga Qayb Gashay Meelo Kala Duwan Oo Caalamka Ah.
Wasiir Xuseen Dayr Ayaa Hore U Ahaa Afhayenkii Madaxtooyada Somaliland,Isaga Oo Kamid Ah Xubnaha Qurba Joogta Ah Ee Xumada Siilaanyo Gacanta U Gelisay Talada Wasaaradaha Muhiimka Ah Ee Dalka, Balse waxaa Arintan loo Aanaynayaa in ay jiraan Isku Dhac isaga iyo Dhanka Qoyska Madaxwayne Siilaanyo Gaar ahaan Marwada Madaxwaynaha iyo Haweenka Xilalka ka haya Xukuumada oo ay ka mid tahay Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Wasiirka ayaa laba jeer Baajiyay Shirkii Ganacsiga Somaliland ee Dalka Jarmalka Gaar ahaan Magaalada Berlin taasi oo Wasiir Dayr Dartii laba jeer dib loogu dhigay isaga oo ka Cabsi qaba inta uu Shirkaasi ku Maqanyahay in Xilka laga Qaado, waxaana laga dhursugayaa in 31 bishan August uu ka qayb gali doono Shirkaasi Maalgashiga Somaliland oo ka Furmi doona Magaalada Berlin ee Caasimada Wadanka Germany.