Aadamigu goor hore ayuu bilaabay inuu dhaqdo Eyda si uu u adeegsado.Muddada ay Eeyadu saaxiibka la ahaayeen dadka waxaa lagu qiyaasaa inay gaadhsiisan tahay 12.000 oo sanno.Tan iyo xiligaas ayuu aadamigu hawlo kale duwan ku qabsanayay Eeyada.
Haddaanu faallo ka bixino bulsha-weynta Reer Eeyda,Waa ummad ka mid ah bahweynta laf-dhabarlayda(vertebrates)kuwooda hawada ku neefsada ee naaslayda ah(mamals).
Bahda Eeyada waxaa la isku yidhaa(canis familiaris)waxay ab iyo isir wadaagaan Beelaha ay ka midka yihiin Libaaxyada,Shabeellada,Dhurwaayada,Yeyda,Dacawooyinka,Harama-cadaha iyo Bisadaha.Dhamaantood waxaa Raashin u ah oo ay cunaan Hilibka.