Xidiga Aflaamta Hindiga Ee Shah Rukh khan Oo Maraykanka Lagu “Xidhay”+ Sababta!
August 12, 2016 - Written by Berbera Today
Los Angeles(Berberatoday.com)-Xidigga aflaanta Shah Rukh Khan ayaa sheegay in uu ka xunyahay in saraakiisha garoonka caalamiha ah ee Los Angeles ee dalaka Maraykanku ay “xidheen”.
Ma cadda sababta Khan loo xidhay iyo inta uu xirnaa midna.
Safiirka Maraykanka ee dalka Hindiya ayaa raaligalin ka bixiyay xiritaanka wuxuuna sheegay in xukuumaddu ka shaqaynayso si aysan mardambe u dhicin arrintaas oo kale.
2012 Khan waxaa 90 daqiiqo lagu xiray garoonka White Plains oo u dhaw magaalada New York. Waxaa la sii diidaayay markii ay dhexgashay safaaradda Hindiya.
Khan oo Jamcihii u duulay Los Angeles ayaa Tweeterka ku soo qoray in uu fahmansan yahay ixtiraamayana sida ammaanka caalamku yahay haddana uu ka xunyahay in markaste la xiro.