berberatoday.com
Imisa Lacag Ah Ayuu Cristiano Ronaldo Halkii Sikin Faa,iidaa”Xogo Xiise Badan Oo Laga Yaabo In Aanad Ka Haynin Xiddiga Kubadda Cagta Ee Cristiana Ronaldo
August 13, 2016 - Written by Berbera Today

Madrid(Berberatoday.com)-Qaybtii Labaad ee qormadii uu Geeska Afrika kaga hadlayey xogo ku saabsan xiddigga kubadda cagta ee reer Portugal Cristiano Ronald oo ka baxsan noloshiisa xirfadda ciyaaraha kubadda cagta:

4. Ganacsade guulaystay: Ronaldo waxa uu ciyaaryahanno badan kaga horreeyaa dhinaca ganacsiga, iyada oo lacagaha uu maalgashiyada ganacsi ee kala duwan ku leeyahay lagu qiyaaso 70 Milyan oo lacagta Yurub ah (U dhiganta 77 Milyan iyo 6 boqol oo kun oo doolarka Maraykanka ah), waxaa ka mid ah afar hudheellada qaaliga ah oo uu ka sameeyey jasiiradaha hodanka ah ee Madeira oo dalka Giriigga waxa aanu shuraako kula yahay shirkadda hudheellada oo caalamiya, sidoo kale waxa uu lacag badan ka shaqaystaa xayeysiisyada ganacsiga oo shirkadaha waaweyn ee uu wax-soo-saarkooda xayeysiiyo ay ka mid yihiin Armani oo cadarrada iyo waxyaabaha la isku qurxiya soo saarta, Samsung iyo kuwo kale.

CR7 waa qofka ugu dakhliga badan dhammaan ciyaartoyga kubadda cagta ee waqtigan dunida jooga, sannadkii horena hantidiisa waxaa lagu qiyaasay in ay ka badan tahay 244 Milyan oo Doolar.

5. C. Ronaldo halkii daqiiqo waxa uu faa’idaa 44 doolar:

Sida lagu xaqiijiyey warbixinno kala duwan oo ay baahisay warbaahinta dalka Spain CR7 waxa uu dhowaan dib u cusboonaysiiyey heshiis ganacsi oo ku kacaya 23.3 Milyan oo doolar, kaas oo socon doona illaa sannadka 2020. Heshiiskan uu C. Ronaldo labada sano dib u cusboonaysiiyey ayaa lacagta ka soo geli doonta muddadaas labada sano ah marka la qaybiyo waxa ay ka dhigan tahay in uu xiddiggu daqiiqad kasta oo ka mid ah waqtigiisa labadaa sano, uu faa’idi doono lacag u dhiganta 45 doolar, waa marka aan la xisaabin faa’idooyinka kale ee sida joogtada ah uga soo gelaya ganacsiyadiisa, mushaharkiisa xirfadda kubadda cagta iyo xayeysiisyada uu sameeyo.

6. Ilme aan hooyadii la aqoon:

Haddii aad maqli jirtay ilme aan aabihii la garanayn CR7 isagu waxa uu haystaa wiil yar oo uu dhalay balse aanay cidi hooyadii aqoon u lahayn.

CR7wiilkiisan yar waxa uu u bixiyey Cristiano Ronald-aha yar (Cristiano Ronaldo Jr.) waxa aana la sheegay in hooyadii ay mudalabnimo kaga shaqaysato mid ka mid ah hudheellada Los Angeles, waxa aanay Ronaldo is barteen xilli uu sannadkii 2009kii joogay dalka Maraykanka.

Cristiano ayaa la sheegay in markii ay gabadhani u dhashay wiilkan yar uu siiyey lacag dhan 13 Milyan oo doolar, oo uu kaga beddeshay heshiis abadiya ah oo dhigaya in aanay abidkeed sheegan cidda ay tahay iyo in ay hooyo u tahay Ronaldo wiilkiisa.

7. Qalniin wadnaha lagaga sameeyey 5 jirkiisii:

Wargeys ka soo baxa dalka Spain ayaa xaqiijiyey in CR7 qalniin weyn oo wadnaha ah lagu sameeyey markii ay da’diisu 15 jirka ahayd, kadib markii uu muddo qabay wadne xanuun aakhirkii qasab ka dhigay in qolka qalniinka loo qaado.

Xilligaas waxa ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in dhibaatada ugu weyni ay xiddiggan ka haysato wadnaha oo garaaciisu aanu sidii dabiiciga ahayd u nidaamsanayn, laakiin nasiib wanaaggiisa waxaa xanuunkan khalkhalka garaaca wadnaha ahaa laga daweeyey intii aanay xaaladdiisu heer khatar ah gaadhin. Arrinta xiisaha lihina waa in xanuunkani aanu waxba u dhimin awoodda jidheed iyo caafimaadka guud ee ciyaartoygan, ama sida uu wargeyskani sheegay uu qalniinkiiba ka qaaday xawaare intii hore ka sii badan iyo adkaysi.

8. Shaadhadhka gacmo-dheeraha ah:

Cristiano Ronaldo waxa uu dhaqan u leeyahay in garanka uu kubadda cagta ku ciyaarayaa uu noqdo mid leh gacmo dhaadheer, taas oo uu kaga duwan yahay guud ahaan ciyaartoyga kubadda cagta iyo si gaar ah ciyaaryahannada ay isku kooxda yihiin.

In kasta oo marar kala duwan la isku dayey in la ogaado sirta ku jirta in CR7 uu xilli kulaylaha xagaaga iyo qabowga jiilaalkaba ku ciyaaro garan gacmo dheere ah, haddana weli cidi ma’ay ogaan sababta uu gacmo-dheeraha u caashaqsan yahay. Dhammaad

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews