Bandhig Faneed Ay Fanaanada Nasteexo Indho Hargeysa Ku Qabanaysay Oo La Mabnuucay Iyo Sababta Loo Cuskaday
August 14, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wararka soo gaadhaya Warbaahinta Madaxa banaan ayaa waxa ay sheegaan in ciidamada Booliska Somaliland ay hor istageen bandhig faneed ay Xalay magaalada Hargeysa gaar ahaan Hotel Crown ku qaban laheyd fanaanada Naseexo indho oo ay weheliyaan fanaaninta Saxardiid , Mukhtaar Beeroof , Iyo DG Subeer.
Nasteexo indho
Waxaaana wararka ay Warbaahintu helaysaa ay sheegayan in uu bandhig faneedkaas hor istaageen gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland iyo wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland oo siakashanayaa balse lama garan karo sababta rasmiga ah ee loo hor istaagay bandhig faneedkaasi
Sidoo kale wararka aanu ka helayno Hotel Crown ayaa waxaaa ay sheegayan in gabi ahaanba ay hotelkaasi isku xeereen ciidamad booliska Somaliland waxaana sidaasi lagu baajiyey bandhig faneedkaasi caawa ay fanaanada nasteexo indho ku qaban laheyd magaalada Hargeysa Ka