“Hal Libaax Arkaysaa Ma Godlato”Dekedii Berbera Oo Shaqadeedii Gaabis Noqotay Iyo Ganacsatadii Oo Hakiyay Badeecadihii Ay Dekeda Kasoo Dajin Jireen Iyo Saamaynta Bulshada Berbera
August 14, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-ilaa iyo maalintii Golaha Wakiilada Somaliland ee sharcidarada ku fadhiyaan kuraasta Wakiiladu gacanta utaageen in Dekeda Berbera lagu wareejiyo shirkada DP World ayaa waxa gaabis noqday Badeecadihii Dekeda Berbera kasoo dagi jiray ee isugu jiray Bagaashka, Raashinka noocyadiisa kala Duwan Qalabyada dhismaha Iyo Laydhka iyo Gaadiidkii. waxaana kala go,ay oo yaraaday gaadiidkii isugu jiray maraakiibta iyo doonyaha ee badeecadaha kala duwan kasoo waaridi jiray wadamada Khaliijka iyo Ashiya, sidoo kale waxa iyana gabi ahaanba joogdsaday maraakiibtii keeni jiray Koonteenarada badeecadaha kala duwan lagu soo guro kuwaas oo ahaa Afar shirkadood,