berberatoday.com
“Hal Libaax Arkaysaa Ma Godlato”Dekedii Berbera Oo Shaqadeedii Gaabis Noqotay Iyo Ganacsatadii Oo Hakiyay Badeecadihii Ay Dekeda Kasoo Dajin Jireen Iyo Saamaynta Bulshada Berbera
August 14, 2016 - Written by Berbera Today

dekeda 4Berbera(Berberatoday.com)-ilaa iyo maalintii Golaha Wakiilada Somaliland ee sharcidarada ku fadhiyaan kuraasta Wakiiladu gacanta utaageen in Dekeda Berbera lagu wareejiyo shirkada DP World ayaa waxa gaabis noqday Badeecadihii Dekeda Berbera kasoo dagi jiray ee isugu jiray Bagaashka, Raashinka noocyadiisa kala Duwan Qalabyada dhismaha Iyo Laydhka iyo Gaadiidkii. waxaana kala go,ay oo yaraaday gaadiidkii isugu jiray maraakiibta iyo doonyaha ee badeecadaha kala duwan kasoo waaridi jiray wadamada Khaliijka iyo Ashiya, sidoo kale waxa iyana gabi ahaanba joogdsaday maraakiibtii keeni jiray Koonteenarada badeecadaha kala duwan lagu soo guro kuwaas oo ahaa Afar shirkadood,

Qaar kamida ganacsatada badeecaduhu yaaleen Dekeda ayaa iyaguna gabi ahaanba ka gaabsaday inay badeecadaha dekeda uyaala kala baxaan iyaga oo ka biyo diiday qaabka sharciyada baalmarsan ee Dekeda Berbera loogu wareejinayo shirkada Carbeed ee DP World iyo waxa laga filan karo shirkada Xukumada Madaxweyne Siilanyo la damacsantahay inay ku wareejiso Dekeda Berbera oo aan shaqadeeda kalsooni buuxda lagu qaban lagana wabinayo inay shaqada dekeda hakad gasho mudada ay la wareegayso Maamulka dekeda kuns oo kordhiso lacag aanay qaadi karin ganacsatadu sida looga bartay shirkada oo hadiyo jeer wadamada ay dekedohooda maamusho looga yaaco dulsaarka lacago badan oo aanay ganacsatadu qaadi karin meelo badan oo wadamadaasana lagaga soo eryay shaqo xumo iyo adeegyo lacagtoodu sarayso oo sababta inay Ganacsatadu wado kale uga wareegaan sida ay sheegayaan xogalaha la xidhiidha shirkada DP World.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Ganacsatada intoodii badanayd badeecadohoodii laga soo raarayaayay Wadamada Imiraatka carabta iyo China ay uleexiyeen dhinaca Dekeda Jabuuti iyaga oo ka biyo diiday qaabka Dekeda Berbera loogu wareejiyay Shirkada DP Wold kana baqe qaba in Xaalada Berbera ee kacsani qaabka kale isu bedesho maamlmaha soo socda.

Iyada oo ay kasoo wareegtay markii Golaha Wakiilada wakhtigoodu dhamaaday gacanta utaageen dhaxal wareejinta Dekeda Berbera \Mudo kayar 7 maalmood ayaa waxa durbaba laga dareemayaa Magaalada Berbera shaqo la,aan baahsan oo soo waajaday guud ahaan bulshadii noloshoodu ku tiirsanayd Dekeda berbera ee ubadnaa Garab raratada xamaalka ah oo aan ilaa maalintaas lagu dhawaaqay shaqo dhakaw ka siinin oo iska hoganaya guryahooda. waxa kaloo iyaguna bilaa camal dartii magaalada uga hayaamay Mukhalisiintii badeecadaha kala duwan ka cashuuri jiray Dekeda Berbera kuwaas oo aanay oolin haba yaraatee wax badeecad ah oo ay cashuuraan , arimahan oo dhan ayaa waxa loo aanaynayaa qaabka sharxcidarada ah ee Xukumada siilanyo dekeda Berbera ugu wareejinayso shirkada Carbeed DP World Dekeda caalamiga ah ee Berbera oo dhaqaalaha Dalka intiisa badani kasoo baxo waxaana lagu qiyaasaa dhaqaalaha Dekeda Berbera kasoo baxa 80% dhaqaalada dalka somaliland soo gala. imikana waxa uu marayaa arinka Dekeda Berbera Hal Libaax arkaysaa Ma Godlato”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews