berberatoday.com
Maxkamada sare Waxa looga Fadhiyaa inay Faysal Cali Waraabe ka Badbaadiso Xisbiga Ucid, oo Meelaha ay Guddida Diiwaangelintu kaga Eexdeen garabka jamaal ay ka saarto oo Xukun xalaala Heshiiskii labada dhinac.
August 14, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Cago jiid in muddo ah uu Faysal Cali Waraabe ka cago jiidaayey xukunkii ay ay soo saartay khilaafka Ucid Guddida Diiwaangelintu, ayuu maanta Gudoomiyaha uu awr kiroolaha u yahay ee Kulmiye ku sanduleeyey inuu Maxkamada sare u qaato Racfaan. Kuwaasoo maanta ay u gudbiyeen maxkamada.

Cago jiid in muddo ah uu Faysal Cali Waraabe ka cago jiidaayey xukunkii ay ay soo saartay khilaafka Ucid Guddida Diiwaangelintu, ayuu maanta Gudoomiyaha uu awr kiroolaha u yahay ee Kulmiye ku sanduleeyey inuu Maxkamada sare u qaato Racfaan. Kuwaasoo maanta ay u gudbiyeen maxkamada.
Haddaba Maxkamada sare waxa looga fadhiyaa inay go’aankii Guddida Diiwaangelintu soo saartay ee ka garnaqista khilaafka Ucid, ku darto meelo aanay Guddidaasi ka xaqsoorin, sida Musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen oo aan iyaddu u baahnayn Shirweyne, maadaama oo gole dhexe isagga doortay. Go’aanka golaha dhexena sidiisa uu sharci ku yahay oo ay dhameystiran tahay musharraxnimada Jamaal Cali Xuseen.
Balse heshiiska labada garab wada galeen qodobo kamid ah Shirweyne laga ansixin doono. Kuwa laga ansixinayo ay kamid yihiin sida Gudoomiyaasha ama ku xigeenada, waxana maanta shirweynaha Miiska wada saaran dooni Gudoomiye Faysal iyo gudoomiye Cali guray.
Maxkamada sare oo mudooyinkii dambe lagu ma jiiranaayey inay tahay mid cadaaladda ku dhowdhoweyn, tan iyo mudadii uu Gudoomiyaha ka ahaa Prof. Aadan X Cali Axmed, oo lagi tiriyo Tiir cadaalada usoo bidhaamay, ayaa laga filayaa inuu si cadaaladda ah u toosiyo meelaha ay yar ilduffeen Guddida Diiwaangelintu, ee ay kaga eexdeen Musharrax Jamaal Cali Xuseen. Inagoo ugu ducaynaynaa inuu Ilahay ku asturo oo cadaaladda waafajiyo.
 W/Q
Hodan Maxamuud Cabdifataax
Hargeysa/Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews