berberatoday.com
Muuse Biixi Oo Faysal Cali Waraabe Oo Ku Sanduleeyey Inuu Racfaan ka qaato Go”aankii Guddida Diiwaangelinta una Gudbiyey Maxkamadda Sare+ Xeeladaha Shaxaysan Ee La Shiryimaadeen…
August 14, 2016 - Written by Berbera Today

.

Hargeysa(Berberatoday.com)-Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha garab kamid ah labada garab ee Xisbiga Ucid ayaa Maxkamada sare u gudbiyey racfaan uu ka qaatay goaankii kasoo baxay guddida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda oo dhowaan xukun ka soo saartay khilaafka u dhexeey labada garab. kuwaasoo xukunkooda ku saleeyey heshiiskii dhaqan galka ahaa ee labada garab ee Ucid ku midoobeen.
Qorshaha racfaan qaadashadda Faysal cali waraabe ayaa sida wararka lagu sheegay waxa kula taliyey oo ka danbeeyey Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muus Biixi. Sidoo kale waxa sidaasi ku cadeeyey qaadashada racfaanka Faysal cali waraabe xubin kamid ah garabka Faysal cali waraabe, taasoo qoraal ka soo saaray.
“1. Sida lala wada socdo waxa Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka ay soo saartay 21/07/2016 go’aan maamul. Go’aankaas oo ay ku ayiday doodii gudoomiyaha Xisbigga UCID ee ahayd in is-afgaradka ku taariikhaysan 12/7/2012 ee ay wada galeen gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo Jamaal Cali Xuseen uu yahay mid aan dhamaystirnayn oo ay tahay in loo gudbiyo Shirwaynaha Xisbiga UCID si uu uga go’aan gaadho is-afgaradkaas iyo wixii ka dhashayba. Waxase Gudidu ay faro-gelisay qaabka ay tahay in loo qabto Shirwaynaha iyada oo ay jiraan xeerar si cad u tilmaamaya qaabka loo maamulo, loona qaban qaabiyo shirwaynaha Xisbiga UCID.
 
2.Hadaba, Hogaanka Xisbiga UCID iyo Golaha Fulintu iyaga oo la tashaday xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga islamarkaana si dhow u dersay Xeerka Xisbiga iyo Xeerka Nidaamka Ururuada iyo Asxaabta, Xeer Lr. 14/2001 waxaay go’aansadeen in dacwad loo gudbiyo Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo awood u leh.
3.Sidaasdarteed, maanta oo ay bishu tahay 13kii August 2016, waxa qareenada gudoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID ay gudbiyeen rafcaan ka dhan ah Go’aanka Gudida.
4.Sidaas awgeed, waxaanu la socodsiinaynaa shacab waynaha Somaliland, xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga in mar walba ay waajib tahay in la raaco Xeerka Xisbiga islamarkaana hogaanka Xisbigu uu qaadayo talaabo kasta oo sharci ah oo uu ku hubinayo in loo hogaansamo shuruucda Xisbiga iyo xeerarka dalka. Mar walbana ay saraynta leeyiihin Xeerka Xisbiga iyo xeerarka dalku ayna yihiin waxa keliya ee lagu dhaqmayo.
Xoghayaha War-Faafinta Xisbiga UCID
Md: Yusuf Kayse Cabdi-Laahi

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews