Qaramada Midoobay Oo Ciidamo Dheeraada u diraysa South Sudan Wakhti Ay Dawladu Kasoo Horjeedo Go’aankaas
August 14, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa meel mariyay in ciidamo in ciidamo dheeraada oo nabada ilaaliya la geeyo dalka South Sudan.
Bishii la soo dhaafay ayaa maalmo lagu dagaalamay gudaha magaalada caasimadda u ah South Sudan ee Juba, waxaana ka dhashay dilal kala duwan , tacaddiyo galmo iyo dhibaatada xaaladda bini’aadamnimo oo sii xoogeysatay.
Waxaa xooga la saaray intii uu socday shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramda Midoobay mas’uuliyadda aasaasiga ah ee ilaalinta dadka rayidka ah inay la taalo dowladda.