berberatoday.com
“Dhengadii Qodaxda Lahayd Ee La Isu Dhiibi Jiray Waannu Tuurnay, Mid Dambena Jiri Mayso..” Xubno SNM katirsanaa
August 15, 2016 - Written by Berbera Today

Qaar Ka Mid Ah Mujaahidiintii SNM Oo Ka Hadlay    Shirarka Siyaasadaysan Ee Beelnimada Loogu Gab-bannayo, Kashifayna Doorka Xisbiga WADDANI ku lahaa Shirkii Tol-wanaaje ee Hargeysa lagu soo gebo-gabeeyey

 “Nin Baa Beri Lagu Yidhi Hebelloow Hoo Koobkan Caannaha Ah [Cab] Dabadeed  Caanihii Buu Sida Shaaha Fiririq-Saday Isaga Oo Afka Ka Dhawraya, Markaasaa Lagu Yidhi Waar Dee Waa Caanno’e   Qudh-Qudhi,  Kolkaasuu Yidhi   Mar Hore Ayaan Caano Ku Gubtay..” Baashe Faarax

“Maalmo Aanu [Muuse Biixi] Is Haynay Wey Jirtay Oo  Marna Tiisii Bey Noqotay Marna Taayadii Bay Noqotay, Maantana….” Cilmi Yuusuf

Snm 3

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xubno ka tirsan Saraakiishii halgankii SNM ee ka soo jeeda deegaannada Beellaha Daa’uud Garxajis (Ciidagale), ayaa garab-istaagay mawqifkii  uu Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ku deedafeeyey shirbeelleedkii loogu magac-bixiyey Tol-wanaaaje ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay magaallada Hargeysa uga socday qaybo ka mid ah beelaha Garxajis, Madax-dhaqameed iyo Siyaasiyiin Xisbiga WADDANI Taageersan.

Saraakiishan oo u badnaa Guutadii 3-aad ee Jabhaddiii SNM oo shalay Warbaahinta kulahadlay magaallada Hargeysa waxaa ay qaadaceen shirkan oo maalintii shalay la soo gabogabeeyey, waxaana ay dhinaca kale cudud midaysan ku muujiyey taageerradooda la xidhiidha xukuumadda maanta jirta ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilanayo iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE. Waxaanay sheegeen inaanay waqtigan taagnayn xilligii la isugu habar wacan lahaa shir beelleedyo iyo qabyaallad maadaama laga soo gudbay waqtigaasi oo qaran madax banaan oo loo siman yahay ay reer Somaliland hoos hadhsananayaan.

Xubnahani waxaa ay hoosta ka xariiqeen inay garab istaagayaan xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen in indhaha caafimaadka qabaa arkayaan waxqabadyada aan la dafiri Karin ee ay ka fulisay guud ahaaan dalkan Somaliland gaar ahaanna deegaannada beellaha Daa’uud Ismaaciil (Ciidagale) oo hore uga qatanaan jiray bay yidhaahdeen gacanta dawladihii kala dembeeyey ee dalka soo maray. Mujaahid Heybe Muxumed Axmed oo kamid ahaa xubnihii ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey ujeedada shirkooda jaraa’id.

Waxaana uu yidhi “Ujeeddada aanu isugu nimi ee aanu ka hadlaynaa waxa ay tahay oo aanu isugu nimi; waad maqlayseen beryahan dembe inay jiraan shirar aynu  ka qaadanay mawqif  midaysan. Horta mujaahidiintani maaha mujaahidiintii SNM oo dhan ka koobnayd ee waa mujaahidiintii qeybta 3aad ee beellaha ciidagale, halkanna waxay isugu yimaadeen inay dareenkooda kaga qayb galaan arrimihii maalmihii dhawaa hawada la isu marinayay ee aynu wada maqlaynay”.

Heybe Muxumed Axmed, waxaanu intaa ku daray; “Horta annagu cidna halkan ka caayi meyno, cidna duulimaad kuma nihin ee keliya waxaanu taageero u nahay  mawqifkii ay hoggaanka dhaqanka Ciidagale ka qaateen shirka aan loo dhamayn ee loogu yeedhay shirka Garxajis. Takale waxaanu taageero u nahay mujaahidiin ahaan xukuumadda hadda talada haysa, waayo wax badan baynu  ognahay oo ragga halkan fadhiyaa  waa rag xogogaal ah arrimo badan bay soo mareen cid u warramaysaana ma jirto.”

Naasir Ceydiid oo isna halkaasi ka hadlay ayaa meesha ka saaray in shirkoodan jaraaid iyo hadalkoodu ay cid kale dabada ka riixayso. “Waxaan u sheegayaa ummada in shirkan ay mujaahidiintu isugu yimaadeen aanu ahayn mid ay dawladi soo abaabushay am acid kale dabada ka wado, laakiin anaga ayaa iskayo isu soo abaabulnay oo doonayna inaanu danahayaga ka tashano oo aanu isla eegno. Mida kale Garxajisnimadu ma aha mid aanu isla diidannahay laakiin wey jiraysaa, waanay jirtay, [Habaryoonisna] walaalo waanu nahay. Ta labaad waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aanu xisbul xaakimka Somaliland iyo musharraxiisa taageersannahay, sidoo kalena aanu ayidsannahay go’aanka odayaashayadu isla meel dhigeen, ujeedadayadu waa  inaanu tuurnay dhengadii qodaxda lahayd ee berigii hore la isu dhiibi jiray, dhenged dembe oo qodax leh oo la isu dhiibayaana jiri mayso.” 

Waxaa isaguna halkaasi ereyo ka yidhi Muj. Cilmi Yuusuf Ismaaciil oo kamid ahaa guutadii 3aad ee SNM waxaanu yidhi; “Waannu fahanay inaanay horta cidina cid kiraysanaynoo aanay odhanayn noo hadla ama sidan yeella. Dad waxgarad ahna waanu nahay, mid cusub iyo qurbejoog [siyaasi] toona  uma taag hayno, waxaanuse itaal u haynaa kaas aanu is garanayno  ee xisbigaas dawliga ah oo anau taageersannahay.”

Waxaanua uu intaa ku daray isaga oo daliil  u samaynaya sababta ay xisbiga KULMIYE u taageerasan yihiin iyo musharraxooda Muuse Biixi Cabdi, “Maalmo aanu is haynay [Muuse Biixi] wey jirtay, haddii aanu wada hadalnayna marna tiisii bey noqotay marna taayadii bay noqotay, maantana isaga ayaanu taageersannahay. Waxaanse leeyahay xukuumadda dee sidii laga rabay mujaahidiintan waxba ugama muuqdaane waa la idin sugayaa ee waa inaad hoos u eegtaan, intii dhimatay agoontoodii iyo inta ka hadhay ee hadda nool agoontoodiiba.”

Sidoo kale waxaa isaguna halkaas ka hadlay Muj. Baashe Faarax oo kamid ahaa mujaahidiintii madasha fadhiyey ayaa si sar-beebaysan uga hadlay hubsiimmada ay waqtigan taagan tahay in ay si fiican ugu yeeshaan dhaq-dhaqaaqyada socda oo uu sheegay  marar hore oo badan lagu dagay iyaga iyo deegaankoodaba. Ugu horeyn Baashe Faarax oo sifaynaya xubnihii madasha isugu yimi waxaa uu yidhi  “raggani waa waayo arrag oo waxyaabo badan baa inna soo maray, wax qabiil ku soo dhuuntay, qaar urur ku soo dhuuntay, qaar siyaasaddo nala soo hoos galay, runtii wax badan beynu soo aragnay, laakiin maanta waxaynu nahay dad iska hubsan karaya waxa socda iyo wax lasoo buufiyey. waxa aanu mus-dembeed unahay mashaariicda la yidhaadho Horumarinta, nabad-gelyada iyo dawladda jirta wax la qabsigeeda”.

Waxaanu intaa ku daray  isaga oo duur-xulaya; “Nin baa waxaa loo dhiiibay Koob Caano Ah, oo waxa lagu yidhi Hebelloow hoo caannahan, dabadeed caanihii buu sida shaaha iska hubsaday oo wuu  fiririq-saday isaga oo afka ka dhawraya, dabadeed waxaa lagu yidhi hebelloow waa caanno’e dee qudh-qudhi, isna wuxuu yidhi Mar hore ayaan caano kugubtay. Markaa waxaan leeyahay mar hore ayaanu Garxajisnimo ku gubanay oo naloogu gabbadaye immika waanu iska hubsanaynaa sida caanahaas.”

Waxaa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay haldoor ay kamid yihiin Muj. Maxamed Cayuun [Hurdi-waaye], Muj. Xasan Xaashi, Muj. Maxamed Cabdi Qodin, Muj. Axmed Diiriye, Muj. Muuse Cali Cabdillaahi. Gebogabadii xafladaasna waxaa soo xidhay madasha Mujaahid Keyse Cabdi SAbuul oo ku magac dheer Keyse Buqul oo isagu kamid ahaa  mujaahidiintii ruug caddaaga ahaa ee SNM.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews