berberatoday.com
SANAAG: Ardayad Ku Hadhay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee Dusgiyada Dhexe Oo Toorey Iska Gelisay Dhuunta & Agaasimaha Cisbitaalka Ceerigaabo Oo Ka Warramay Xaaladdeeda Caafimaad
August 15, 2016 - Written by Berbera Today

“Waxay ka mid ahayd Hablihii (Dugsiga Dhexe ka baxayey) Cannaanta waalidka ayaa ku keliftay inay Nafteeda mahalako geliso Oo Ay Dhuunta iskaga dhufato Toorey…” Agaasimaha Cisbitaalka Guud Ee Ceerigaabo Oo Wargeyska Himilo Uga Warramay

 

Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Ardayad ka mid ahayd Ardaydii u fadhiistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 8-aad ee 2015-2016-ka, ayaa Nafteeda halis gelisay, ka dib markii ay ogaatay inay ka mid noqotay Ardayda ku hadhay Imtixaankaasi.

Ardayadan oo ka mid ahayd Ardayda Dugsiga Imaamu Shaafici ee Magaalada Ceerigaabo isla-markaana Magaceedu yahay Nimco Axmed Jaamac, ayaa Middi dhuunta iskaga dhufatay, iyadoo ka fal-celinaysa Canaan dhicidda Imtixaanka uu Waalidkeedu ugu soo jeediyay.

Ardayadan oo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Ceerigaabo lagu dabiibayey Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay, ayaa Xaaladdeeda Caafimaad wanaagsan tahay hadda, inkasta oo markii hore ay gashay xaalad Khatar ah.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Magaalada Ceerigaabo Dr. Ismaaciil Saleebaan Bawgax oo Xalay Khadka Telefoonka ugu Warramay Wargeyska Himilo, ayaa ka warramay siday Gabadhani halista u helisay Nafteeda iyo in dhicidda Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ka sakow Sababsatay Canaantay Waalidka, waxaanu yidhi, “Waxay ka mid ahayd Hablihii (Dugsiga Dhexe kaga baxayey Imtixaankii Dhawaan la shaaciyey, waalla Canaantay, Cannaanta waalidka ayaa ku keliftay inay Nafteeda mahalako geliso, waxayna Dhuunta iskaga dhufatay Toorey.”

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Magaalada Ceerigaabo, waxa kale oo uu ka warramay sidii dhibaatadani u dhacday, “Inanta Hooyadeed baa ii sheegtay waxayna tidhi Anigoo Salaad tukanaya ayay Suuliga gashay Inantu, markaan Salaaddii ka baxayna waxaan Carruurtii kale waydiiyey halkay martay, waxayna ii sheegeen inay Suuliga ku jirto, laakiin markay ku raagtay ayuu Carruurta midkood Suuliga Dusha ka fuulay, waxaanu arkay iyada oo Suuliga dhex taalla oo Dhiig ka da’ayo, waana lagu jebiyey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Saddex Maalmood ayaa Cisbitaalka oo la noogu keenay lagula tacaalayey, tooreyduna Dhuunta kuma sii fogaan, markaa waanu fasaxnay oo Guriga ayaa loo qaaday, Caafimaadkeeduna wuu wanaagsan yahay.”

Agaasimuhu wuxuu farriin u diray Waalidiinta, “Waalidiinta waxaan leeyahay Carruurta yaan la canaanan, maaddaama oo ay Waxbarashada dib ugu noqon karaan oo ay dedaali karaan.”ayuu yidhi.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sannadkan, ayaa waxa ku hadhay Arday ka badan 600, kuwaasi oo iskugu jiray Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe iyo Fasallada 4-aad ee Dugsiyada Sare.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews