berberatoday.com
SHACABKA GABILEY OO KA RAJO DHIGAY WAXQABADKII LAGA FILAYAY MAAYAR MAXAMED AMIIN IYO XOGO FASHILIYAY XIDHIIDHADA QARSOON EE KA DHEXEEYA GANACSATADA SHIRKADA BIYAHA EE SAM SAM.
August 15, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Maalin ku taariikhaysan  28/11/2012 ayay Dadwaynaha S/land u dareereen  Doorashadii Golaha Deegaanku Doorashadan oo ahayd tii ugu adkayd uguna dhibta iyo Murashaxiinta badnayd iyadoo Dagmada Gabiley ka mid ahayd Dagmooyinka Shanta ah ee laga soo doorto 21 Xilldhibaan Burco,Boorama,Ceerigaabo, Laascaanood iyo Gabiley oo laga soo doortay  iyadoo Doorashadani noqotay  mid lagu Tijaabiyo Hufnaanta Maamul, Aqoonta iyo Daacadnimada Dhalinyarada ku hagi karaan dalka  mar kale waxay noqotay fursad Salaanka Siyaasada ku soo koraan Dhalinyaro badan oo Aqoonyahana ka dib markii ay Golaha Wakiiladu Hoos u dhigeen Da”ada Murashixiinta ka qayb galaysa Doorashada  iyadoo  Doorashadaas Bulshadu u soo doortay Xilldhibaano Dhalinyar ah oo Aqoonyahana .

Balse Nasiib daro waxay  Doorashadani noqotay mid banaanka soo dhigta in ay Bulshadu Quus ka gaadho Isbadal Dhaqan Dhaqaale iyo Horumar ay ku Talaabsadaan Dhalinyartii Aqoonyahanka ahayd ee loo Doortay Maayarada ama Gudoomiyayaasha Golayaasha Deegaanka Dalka.

Iyadoo Maalinba Maalinta ka danbaysa ay ku dhaqaaqayaan Talaabooyin ay Dadwaynuhu ku jaho wareeraan iyadoo Tusaale u soo qaadan karno faro galinta qaawan ee ay ku hayaan adeegyada Biyaha iyo Caafimaadka ee hortood  shaqaynayay ee hoos taga Wasaaradaha kale ee dalka sida Biyaha iyo Caafimaadka ee Nolosha Aadamaha Aasaaska u ah iyadoo Aafada Musuqmaasuqa ee dabarka goosatay iyo ku Takri Falka hantida Umada ee la Xalaashaday ay badan tahay  ka dib markii ay arkeen in Hay”adii Hanti dhawrku noqotay mid Hawlgaba.

Hadaba   Qormadan  oo aynu diirada ku saarayno mid ka mid ah Murashaxiintii loo hanwaynaa waa Maayarka Degmada Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi nasiib wanaagna ka mid noqday Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ee Bulshada Gabiley si wada jir ah u soo doorteen  dadka Aqoonta gaara u lihi waxay ku tilmaamaan Xildhibaan Maxamad Amiin in uu ka mid ahaa Aqoonyahanka  Dhalinyarada dhawrsoon ee Akhlaaqada Wanaagsan iyo Cibaadada lagu yaqaanay kana shaqayn jiray danta guud waxaase xusid mudan in markii Golaha Deegaanka loo doortay laga arkay dabeecado aan looga baran iyadoo uu la soo baxay Damac Qaawan  iyo Kursi Jacaylka oo madax maray dhacdadan oo  lagu tilmaamay mid ka turjumaysa Shaqsiyadiisa Dhabta ah iyo Hamuunta uu u qabo in uu ku takri falka Hantida Umada iyadoo Dadwaynaha Gabiley  la garab joogay taageero baaxadle oo ka dhigtay in uu  noqdo Hogaamiyaha Xildhibaanada Isbadal doonka ahaa ee Golaha Deegaanka Gabiley.

Ugu horaynse  Golaha Deegaanka Gabiley  waxay soo doorteen Maayarkii u horeeyay Maalin ku beegan  25/12/2012 Shucayb Maxamad Muuse isagoo mudo Laba Sanno iyo Sadex Bilooda uu Xilkaa hayay ku talaabsaday Horumar la taaban karo waxaana ka mid ah Dhamaystirka Guriga Martida iyo Qalabayntiisii ,Jidad Dhawra oo Magaalada laga dhisay , Cagaf yar iyo Cagaf Shaywala iyo Gaadiidka Nadaafada oo Laba Gaadhi u soo iibiyay , Masuulkan  oo haatan ah Wasiirka Wasaarada Warshadaha. Waxay Taariikhdu ka marag kacaysaa in uu Golaha Deegaanka Gabiley kala kulmay    Sidoo kale  Maalin ku taariikhaysan 17/3/2015 Golaha Deegaanka Gabiley  soo doortaan Maayarka Labaad ee Golaha Deegaanka Gabiley yeesho Maxamad Amiin Cumar Cabdi  waxayna  bulsho waynta ku dhaqan Dagmadu rajo wayn ka qabeen in uu Maayarkani ku talaabsan doono waxqabad muuqda.

Balse waxaa Beenowday Rajadii lagu soo Doortay Xildhibaan Maxamad Amiin Cumar Cabdi waxaanu noqday Maayarkii ugu Maamulka xumaa ee soo mara Dagmada Gabiley ka dib markuu ka talo qaatay Khabiir ku xeel dheer Musuqmaasuqa oo Shan Maayar la soo shaqeeyay  Xoghayaha Dawlada Hoose Cabdi Raxmaan Nuur Abokor oo Dawladii Hoose ee Gabiley ku noqday Maahmaahda Odhanaysa  ( Xero bahal ku jiro xoolo kuma dhaqmaan )

Iyadoo Shaqsiyaadka sida joogtada ah ula socda shaqo maalmeedka Maayarku ay ka marag kacayaan in markii Maayarnimada loo doortayba Maxamed Amiin Cumar Cabdi  uu jidkii guul darada cagta saaray ka dib markuu ka Talo qaatay koox Ganacsato ah oo dhabada u xaadha Musuqmaasuqa oo ah Raga Maamula Shirkada Samsam ee Biyaha Magaalada Gabiley Maamusha  isagoo  gabi ahaanba dhagaysan  waayay Talooyinka Xilldhibaanadii  soo doortay ee  isbadal doonka ahaa waxaana Hubaala in uu bar madaw ku noqday Kalsoonidii ay Dadwaynuhu ku noqdeen in Isbadal Dhaqan Dhaqaale ee Aqoonyahanka Dhalinyarta ah Bulshada S/land ku qabeen iyadoo ay Dadwaynaha Gabiley ka rajo dhigeen in ay ka fishaan waxqabad muuqda oo laga arko .

Ugu danbayn waxay Bulshada ku dhaqan Magaalada Gabiley isha si gaara ugu hayaan Faro galinta qaawan ee uu ku hayo Wakaalada Biyaha Gabiley oo Sharci ahaan hoos tagta  Wasaarada Biyaha iyadoo Wasiirka Wasaarada Biyaha uu Digreeto ugu soo saaray in ay Shirkada Biyaha Samsam kala wareegeen Maamulkii Biyaha Gabiley ka dib markii uu Mudo Sadex Sanno ah Sharci darro ku haysteen Maamulka Biyaha Gabiley  isagoo Maayarka Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi  Mudo Sodon Maalmood gudahooda marna Shirkadii Samsam ee Biyaha Magaalada Gabiley Maamulaysay uga ansixiyay  Golaha Deegaanka kuna buriyay Wareegtadii Wasiirka Wasaarada Biyaha hadana kala wareegay Shirkadii Samsam ee Biyaha Maamulaysay  hadana dib ugu celiyay Shirkadii Samsam ee Biyaha Gabiley Maamulaysay  iyadoo Talaabooyinka iska hor imanaya ee uu ku dhaqaaqay Maayarka Gabiley Maxamad Amiin Cumar Cabdi  ay ku noqotay dadwaynaha Gabiley mid ka yaabisa oo aad looga hadal hayo goobaha lagu kulmo .

 

Maayarka-Gabiley

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews