berberatoday.com
Shirkii Beesha Garxaajis Oo Sanqadh Yari Ku Dhamaadey Iyo Qodobo Aan Mug Iyo Miisaan Laheyn Oo Ka Soo Baxay Gunaanadkii Shirka H
August 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Shir labadii casho ee u danbeeyeyba magaalada hargeysa uga socday beelaha Garxajis ayaa maanta si rasmi ah ugu soo gabagaboobay gudaha magaalada hargeysa.
Waxaan shirkan xidhitaankiisa kasoo qayb galay salaadiin,cuqaal,waxgarad odayaal,,ganacsato,siyaasiyiin , dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan ,waxa ujeedada shirkani ahayd isturxaan saarid layskugu laab xaadhayo beelaha garxajis sidoo kalena ay madax-dhaqameedku kaga tashanayaan aayaha beesha.
Waxaana shirkan xidhitaanka hadalo kasoo jeediyay cuqaal,waxgarad ,iyo salaadiintii kasoo qayb gashay shirkan,waxaana madax-dhaqameedkani ay kuu dheeraana kana waarbixiyeen ujeedada shirka loo qabtay iyo muhiimada uu u leeyahay qaranka somaliland iyo beelaha garxajisba.
Qodobada kasoo baxay shirkan ayaa waxa halkaasi ka akhriyay gudoomiyaha gudida Talo Iyo Tawfiiq ee beesha Habar-yoonis Xasan Xuseen Faarax waxaana qodobadii kasoo baxay ay u dhignaayeen sida tan
1.Wuuxuu shirku isla qaatay ilaalinta iyo xoojinta midnimada nabadgaliyada bulshada,madax banaanida iyo gooni isku taaga qaranimada Somaliland ee lama taabtaanka ah
2.Waxa kale oo shirkan lagu gorfeeyey xaalada hadda dalka iyo dadkuba ku jiro ee wakhtigan kala guurka ah ee doorashooyinka kala duwani ina soo food-saareen iyo filashada ay kaa naaloonayso bulshada Somaliland oo qayr iyo wanaag laga filanyo insha allah
3.Shirka waxa kasoo baxay kuna talinayaa in doorashooyinka madaxwaynaha iyo doorashooyinka golaha wakiilada ay iyagu ku dhacaan wakhtigii loogu tala galay lagana digtoonaado wax kaste oo oo keeni kara inay xumeeyaan nabad galiyada qaranka Somaliland.
4.Shirku wuxuu taageerayaa taalaabo kaste oo horumarineed oo loo baahnaa oo cadaalada oo ay xukuumaddu qaaday ,waxkaste oo horumar ah oo xukuumadda Somaliland qaadayna shirku si buuxda ayuu u taageersan yahay
5.Shirku wuxuu baaq nabadeed u dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka bacaha ee deegaanka darar wayne ee gobolka sanaag,waxaanuu shirku codsanayaa in waxii ay labada beelood kala tirsanayaan lagu dhameeyo walaalnimo iyo wada hadal arinkana lagu soo dabaalo nabad galiyo
6.Wuxuu shirku ansixiyay 21 xubnood oo guddi garxajis ah oo mayalka iyo hogaanka u qaban doonta bari laga bilaabo kana talin doonta danaha guud ee beelaha garxajis hadii alle idmo
7.Shirku wuxuu ansixiyay xeerkii hagayay ama ay ku qancayeen ee gudida xakamaynayay waajibaadkoodana tusayay
8.Ugu danbayn shirku waxuu ugu baaqayaa beelaha walaalahood ah nabad,isqadarin,wada noolaansho,gacaltooyo in la wada ilaashado qaran ku dhisan sinaan iyo cadaalad wadatashi isku tanaasul iyo isku joojintii caqabadaha qaran lagaga bixi jiray ee aynu ku caano maalnay
Ugu danbayntii waxaana shirkaasi oo muddo laba casho ha ka socday magaalada hrgeysa uu kusoo gabagaboobay is afgarad iyo jawi dagan oo xasiloon.
Si Kastaba ha ahatee shirkan ayaa waxaa uu noqonayaa shirkii ugu saameynta yara isla markaana ay ka soo baxaan qodobadii ugu jilcsanaa ee ka soo baxa shir ay reeri qabsadaan
Berberatoday.com
COMMENTS
|