Somaliland: Beello Cabasho ka Muujiyay Isku shaandheyn Madaxwayne Siilaanyo Ku Sameeyay Xukuummadiisa
August 15, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-yadoo Madaxweynaha Somaliland, Habeenkii xalley isku shaandheyn ku sameeyay Xukuummadiisa ayaa waxaa soo baxaya cabashooyin ay qabaan qaar ka mid ah beelaha dega Somaliland, kuwaasi oo aan ku jirin Masuuliyiintii xalley loo magacaabay Xukuummada Madaxwayne Siilaanyo.
Beelaha Gabooye ee dega Somaliland, islamarkaana ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Isku shaandheynta madaxwayne Siilaanyo ee xalley, taasi oo beelaha dega Somaliland oo dhami ay iska dhex arkeen marka laga reebo beesha Gabooye.