War Degdeg Ah”Wasiirkii Ganacsiga Xuseen Deyr Oo Ka Biyo Diidey Xilka Loo Badaley Iyo Siro Uu Kashifey
August 15, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Hargeysa(Berberatoday)- Wasiirkii ganacsiga xuseen dayr oo ahaa siyaasi ku cusub saaxada siyaasada ayaa si lama filaana salaanka darajada wasiirnimo waxaa uu ku gaadhay bilo gudaheeda isagoo ka dalacay markii hore ama xil uu somaliland uu ka qabtaba ay ugu horeysay afhayeenka madaxtooyada oo si kadisa ah loogu dhiibey ayaa hadana waxaa ufududaatey oo nasiibku siiyey inuu noqdo hadana wasiirka ganacsiga , kadib markii uu madaxweynuhu ka yaabey indho adkaantiisa .
Hadaba xalayto wasiir dayr oo ahaa ragii seefta badalaadu la tagtey isaga iyo wasiiro kale oo xilal hoose loo magacaabey ayaa waxaa uu uqaadan wayey in uu afhayeenkii uu ku noqdo waxaaney ku noqotay afkala qaad iyo waxaanu fileyn.