berberatoday.com
Xafiiskii Wasaaradda Warfaafinta Ee Gobolka Awdal Oo Albaabada Loo Xidhay Iyo Qalabkii lagu Shaqeynayay Oo Loo Haysto Kiradii Guriga
August 15, 2016 - Written by Berbera Today

Agaasimaha Guud Ee Wasaaraddu Muxuu Ka Yidhi Fadeexaddan?

Boorama(Berberatoday.com)-Xafiiskii wasaaradda Warfaafinta, dhaqan iyo wacyi-galinta Somaliland ee Gobolka Awdal, ayaa  bishan u xidhan Kiradii laga bixin jiray Guriga xarunta u ah Telefishanka Qaranka iyo Idaacada Radio Hargeysa.

Xafiiska ayaa wasaaradda warfaafinta ugu kireysnaa Lacag dhan $300 waxaana la sheegayaa in Mulkiilaha Guriga iska leh aan la siin lacagtii kirrada 8 bilood ee sanadkan.

Wariye ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo magaciisa ka gaabsaday arrimo la xidhiidha amniga shaqadiisa ayaa wargeyska Himilo u xaqiijiyay in xarunta Telefiishanka Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa la xidhay 3-dii bishan aynu ku jirno ee August kadib markii uu mulkiilaha gurigaasi ku wargaliyay Isu-wadaha wasaarada inuu xidhay xafiiska Wasaaradda Warfaafinta, maaddaama aan la siin lacagtii kirada.

Weriyuhu,  Waxaa kale oo uu sheegay in qalabkii ay ku shaqeynayeen Wariyeyaasha Gobolka Awdal loo haysto Kiradii Gurigaasi oo lagu xidhay xarunta markii albaabada loo laabayy, balse ay imika ku shaqeeyaan kamaradaha iyo qalabka warbaahinta kale ay kasoo qaataan si ay wararka ugu diraan Telefishanka Qaranka iyo idaacadda Radio Hargeysa.

Dhinaca kale, Wargeyska Himilo oo la xidhiidhay agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Maxamed Ilkacase si aan wax uga waydiino sababta rasmiga ah ee loo xidhay Xafiiskaas ayaa sheegay inaanay wali soo gaadhin xafiiska wasaaradda warfaafinta warbixin dhameystiran oo la xidhiidha xidhitaanka xarunta Gobolka Awdal.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews