berberatoday.com
“Badbaadada Qaranku Uma Baahna Shaqaale La Bedelo Ee Hogaanka Oo La Belelay Ku Xidhantay Iyo Baarlamaanka Oo La Dareeriyo”. Xoghayaha Degmada Berbera Ee Xisbiga Wadani Ismaaciil (dheeg)
August 16, 2016 - Written by Berbera Today

Waa Xukumad laga ku suntan cadaalad daro, hanta boob iyo reer habel jacayl sidaa awgeed way cadahay inuu dalkuu u baahan yahay madaxweyne Cadaali ah inta awoodiisa ah oo ka runsheega dhaartii uu dalkan iyo dadkan Reer Somaliland u maray

Badbaadada Qaranku Uma Baahna Shaqaale La Bedelo Ee Hogaanka Oo La Belelay Ku Xidhantay Iyo Baarlamaanka Oo La Dareeriyo.
      Dhamaan waad salaamantiin marka hore umada reer Somaliland meel kasta oo aad ku nooshihiin.
 Runtii waxaan maanta jeclaystay in aan ka hadlo isku shaandhayn la leeyahay madaxweynahaa sameeye.
 Waxaa jirta dalkan curdinka ah ee Jammhuriyadda Somalind marka loo baahan yahay  inuu horumar u gaadho  waxaan leeyahay waxay ku xidhantay in la helo Hogaan  wanaagsan.
      Astaamaha guud ee ugu muhiimsan unana caansan marka laga hadlaayo Hogaamiye wanaagsan,marka lagu eego aragtida Islaamiga ah  waxaa ka mida:. 
1)Waa inuu leeyahay Alle ka cabsi
2)Waa inuu amaanada loo dhiibay sideeda u ilaalin karo(Aamin yahay)
3)Waa inuu  yahay cadaali intiisa
4)Dulqaad u tudhid 
5)Naxariis iyo u danqasho u u danqanaayo dadkiisa raaciyaadka  uh 
 
Intaa aynu sida guud u iftiiminay waa inaha ugu badan loo shardiyi karo lagana doonaayo hogaamiyaha wanaagsan marka laga hadlaayo aragtida islaamigaa (Islamic vision)
          Hadaba waxaynu is waydiinaynaa haddii hogaamaha wanaagsani   uu ataamahan leeyahay  hogaamiyeheenu ma leeyahay?
   Jawaab maya maadaama oo aynu arkayno In aanu hantidii u ilaalinayn umadii, uu cadaaladana ka fogyahay  sida ku cad isku shaandhayntan uu sameeyey  calayba.
 Qodobka 129 Ee Distoorku wuxu sheegay Dhaarta Madaxweynaha oo ah sidan: “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, and DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA 
AAN XILKA HAYO”.
Miyuu ka runsheegay may waa nin jeclaysi ragbaan lagaba casilin xilalka ay qaranka u hayaan  iyaga oo aan Awood Aqooneed iyo karti  toona lahayn ay xilka loo dhiibay ku gutaan ,  hadan intaa xukumadu jirtay umada dhan oo ay  ka mid tahay Beesha Gabooye ayaan  laguba hayn wareegtada madaxweynaha  hal mar oo ninkii  qabtay markuu yaabay uu is kaga tagay mooyaane.
   Waa Xukumad  laga  ku suntan cadaalad daro,  hanta boob iyo reer habel jacayl  sidaa awgeed way cadahay inuu dalkuu  u baahan yahay madaxweyne Cadaali ah inta awoodiisa ah oo ka runsheega dhaartii uu dalkan iyo dadkan Reer Somaliland u maray 
  Raga ka tagay iyo raga ku soo biiray Xukumad liidata ee kulmiyana aniguu  waxba Odhan maayo . waayo?
 Goorta maamulada hoose ee wasiir, Taliye, Badhasaab iyo I,w,m  ay hagaagayaan  waa marka  uu hagaago Hogaamiyuhu ee la helo hogaamiye  wanaagsan.
 Dalka waa u ducaynayanaa in Hogaamiye wanaagsan Alle siiyo.
 Xubnaha Baarlamaankana waxaan leeyahay  badankoodu  waxay kow ka yihiin dadka qaranka hadimada ku haya ee hadana waxiisii cunaaya, waa xildhibaano aan shaqadoodii haynin ee Mooshin Quutayaala oo Xukumadii loo baahnaa in ay ku ilaaliyaan Sharciguu ay iyagii hagayso oo sii riyaha Dhaameel u daadinayso.
Markaa waxaan leeyahay  ha laga dedaalo dadyow  sidii aynu labadaba isu dhaafin lahayn ee aynu u heli lahayn  Gole sharci dejin oo wanaagsan iyo Hogaamiye wanaagsan  ha laga ololeeyo dadyow cid kale uma maqna Qarankane 
  
Aqoonyahan Ismaaciil C/laahi Cilmi(Ismaaciil Dheeg)
Xoghayaha Degmada Berbera Ee Xisbiga Wadani 
 Dheeg99@hotmail.co.uk 
          Allaa mahad leh dhamaanteed
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews