berberatoday.com
Dawladda Somaliland Oo Wada-hadallada Khaatumo Ka Dib, Shirineysa Beesha Dhulbahante & Dhawaaq Middi Middi Ku Taag Ah Oo Ka Soo Yeedhay Buuhoodle
August 16, 2016 - Written by Berbera Today

10 ka Mid ah Isimada Buuhoodle Oo Sheegay In Kooxda Khaatumo Aanay Ku Matalin Wada-hadallada Somaliland

 

Buuhoodle(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa sheegtay in Beelaha Dhulbahante guud ahaan loo qaban doono Shirweyne Guud, ka dib Wada-hadallada u socda Xukuumadda iyo Kooxda la baxday Khaatumo ee uu hoggaamiyo Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iy Wacyi-gelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani) oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay in Xukuumaddu Shir ballaadhan u qabanayso Beelaha Dhulbahante wixii ka dambeeya Wada-hadallada u dhexeeya Khaatumo.

“Waxaanu idiin sheegaynaa marka Wada-hadallada Khaatumo dhammaadaan Shir ballaadhan loo qaban doono, kaas oo ay hormood ka yihiin Garaaddada ama Isimada Dhulbahante, hadday Maxamuud Garaad tahay oo Shirkii Awr-goobays iyo Shirkii Adhi-caddeys go’aansaday in Dantu ku jirto Somaliland iyo hadday tahay Dhulbahante-weyne.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Si qalbi furan oo Walaalnimo ku dheehan tahay, ayaa Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisu Hawlahaa u gelayaan, haddii Alle yidhaahdana uga midho-dhalinayaan.”

Laakiin, Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Beelaha Dhulbahante oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Buuhoodle, ayaa ku dhawaaqay shir ka soo horjeeda ka Dawladda Somaliland iclaamisay.

“Somaliland waxa hore u joogay Rag deegaannadan ah, hadday ku biiray iyaga ayaa ku biiray ee annaga (Dhulbahante) ma matalaan, waxaanuna u aqoonsanahay inay ka mid yihiin Dadka dhinaca Somaliland jira ee Beeshan ka soo jeeda.” Ayuu yidhi, mid ka mid ah Garaadada Dhulbahante ee Shirka jaraa’id ku qabtay Buuhoodle, waxaanu intaa ku daray, “Dadka kale ee ka soo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwooda jooga Somaliland iyo Puntland, sida Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Odayaasha waxaanu ugu baaqaynaa in Shir Deg-deg ah la iskugu yimaaddo, shirkaas oo lagaga wada-tashanayo Aayaha Deegaanka.”

Garaadku waxa kale oo uu sheegay, “Shirkii Caynaba (ku dhex maray Somaliland iyo Kooxda Khaatum) wuxuu gaar u yahay Raggii Idaacadaha ka hadlay (Galaydh), annaga nama matalaan haddaanu nahay Isimadaa tobanka ah. Waxa la yidhi Shir baa Imaaraadka lagu qabanayaa, Rag baa Magaca Dadkan kaga qayb-galaya, waxaanu leenahay Dadkaasi nama matalaan, ee iyaga ayay ku kooban tahay.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews