berberatoday.com
“Faysalow Markii Aad Gaanni $6000 UFO Ugu Basaasaysay, Axmed Mire Waa Kii Dalkan Xoraynayay, Ma Adaa Axmed Mire Wax Ka Sheegi Kara”..“Axmed Mire Waa Ninkii Dagaalka Sokeeye Dalka Ka Riday Ee Lahaa Madaarka Hargeysa Anaa Xidhay Anaana Furay”
August 16, 2016 - Written by Berbera Today

Cali Guray Oo Luuqad Adag Ugu Jawaabay Faysal Cali Waraabe Oo Eedo Dhabar Jab Ah U Jeediyey Axmed Mire Iyo Ismaaciil Buubaa + Faysal Oo Siyaasi Buubaa Ku Tilmaamay Hawlgab Soo Dhacay

gaani
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen ayaa si ba’an u weeraray siyaasiyiinta Axmed Mire Maxamed iyo Ismaaciil Buubaa oo uu ku tilmaamay in ay dabada ka riixayaan shir beeleed uu ku tilmaamay in haddii uu talada hayn lahaa aan dalka laga qabteen oo wada jirka umadda waxyeelo u gaysanaya halka uu si gaar ah Kornayl Axmed Mire Maxamed oo ka mid ahaa saraakiishii SNM dhawaana dalka ku soo noqday ku eedeeyey in uu ka mid ahaa dadkii dagaalada sokeeye dalka ka riday.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo lagu waraystay barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee ka baxa Telefishanka UNIVERSAL ayaa waxa uu yidhi: “Saraakiisha SNM markii aynu dalka soo galnay way qaybsanayd (Functions) ayay ahayd. Qabiil iskumay raacin ee guruub guruub cid walba leh ayay isku raacsanaayeen. Waadigii odaa oo Cabdiraxmaan Tuur ayay qaar ka soo hor jeedeen, dagaalkii dalka ka dhacay sokeeye waad ogayd oo rag SNM ahaa ayaa dalak ka riday oo ahaa kuwo ka soo hor jeeday doorashadii Boorama ee Ina Cigaal lagu doortay. Maanta maxaa haddaba jira?, ragii berigaa dagaalkaasi sameeyey ayaa 20 sanadood kadib maanta dalka la soo galay, tusaale ahaan Ina Mire oo kale inoomuu iman. Waxa uu ahaa ninkii yidhi Madaarka Hargeysa anaa xidhay anaana furay dagaalkii sokeeye. Labaatan sanadood kadib isaga oo yidhi PhD baan soo qaatay ayuu haddana innagu bilaabay dagaal qabiil. Arrin maanta laga hadlo oo Ciidagale iyo Habar Yoonis ka wada hadlaan ma yaallo oo ma jiro. Ismaaciil Buubaa oo kale waa nin Hawlgab ah (Retired Person), waa laga yaabaa in uu wax hoos u wado balse isagu ma badheedhin. Waxa jira rag kale oo waxaasi wada. Anigu Faysal ahaan waan ka soo hor jeedaa shirarka qabaa’ilka. Shirarka qabaa’ilku waligood way jiri jireen laakiin maynu dareemi jirin. Waxaanay ku koobnayd caaqilka iyo salaadiinta dhaqanka laakiin marka nin siyaasi ahi ku baaqo oo yidhaa kaalay areer Hebel baa shirayee dan reer ma wado. Laba arrimood in la mamnuuco weeyi, Insha Allaahu UCID marka ay timaaddo way mamnuucaysaa waana shir siyaasi ah iyo suldaan siyaasadeed”.
Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo daba socda hadalka Guddoomiyaha UCID aadna u dhaliilsan ayaa qoraal kooban oo uu shalay ku baahiyey mareegtiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Faysal Cali Waraabe aanu gaadhi Karin Axmed Mire oo uu ku tilmaamay Mujaahid dalkan iyo dalkan qiimo abdan ku leh oo sida uu hadalka u dhigay Markii Faysal Cali Waraabe UFFO basaasayay isagu (Axmed Mire) ahaa ninkii dalka xoraynayay. Sidoo kalena Axmed Mire yahay kii xoreeyey dalkan uu maanta Faysal wax ka noqday. Mujaahid Cali Guray oo lahjad adag u isticmaalay qoraalka uu kaga jawaabay eedaha Faysal Cali Waraabe u jeediyey Axmed Mire aadna u dhaliilay Faysal Cali Waraabe sidoo kalena ku ammaanay qoraalkiisa Mujaahid Axmed Mire ayaa waxa uu qoraalka Cali Guray u dhignaa sidan: “Axmed Mire Ma Basaaskii Gaani ee UFO $6000 siistay baa wax ka sheegi kara. Colkii SNM ee Burco 27 May 1988kii galay baabu hogaaminayay eh. Ha la yaabin laakiin maanta nin waliba waa nin lakiin shalay nin waliba nin muu ahayn. Rag la lahaa oon haye mooyee maya odhan karin baa jiray. Lakiin Faysal wuxu ragga dheeraa Isaaq lacagta laga qaado oo bixiya ayaa badnaa isagu kuwaa la siiyo ta Isaaqa laga qaado ee Isaaqa ku basaasa ayuu ahaa. Maantana Axmed Mire ayuu wax ka sheegayaa saw baqashii fardaha la daaqday ee faraska is mooday uun maaha. Waar ha na haybsan anaga nama gaadhida hadaad nin raga tahay shalay baad wax iska celin lahayd markaad GAANI basaaska u ahayda. Tan uu ku faaqay uu ku kibray raggii ku dagaalamay ee uu xoreeyay inuu ka xashoodo ayay ahayd inuu afkiisa la galo may ahayn lakiin cidda dambaysa ee halkii Gaani ugu jirta waa la yaqaan. Isagu wuxuu u baahan yahay cid adeegsata uun dawlad xumina Faysal kama maaranto oo waa astaamaha lagu garto. Madxwaynayaasha wuxu col la yahay inta aanay u gacan haadin eenay waxoogaa u laabin ee la hawlgelin. Lakiin bal idinku ka sheekeeya ka isaga oon Madaxwayneba noqon durtaba markii la yidhi Musharax baad tahay Faysal mee yidhi ee soo ciyaarsiiyay. Hadii la doorto dadkaba aniga guulwadayaal ha ii noqdaan buu odhan lahaa cidda diida toogta iyo soo xidha ayuu odhan lahaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee UCID Mujaahid Cali Guray.

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews