berberatoday.com
Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Abwaan Cabdiwaaxid Gama’diid Oo Tix Gabey Ah Ku Taageeray Weerarkii Paris?
August 16, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kadib markii uu Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gama’diid maanso ku taageeray weerarkii bishii December ee sanadkii hore lagu qaaday magaalada Paris ayaa waxaa ay ciidamada booliiska Somaliland xabsiga u taxaabeen Abwaankaasi 7 bishii 12 2015.

Abwaanka waxaa ay ciidamada Booliiska Somaliland kusoo oogeen dacwad nuxurkeedu ahaa inuu taageero u muujiyay   kooxaha argagixisada ah kaasi oo maxkamada Gobolka Hargeysa Dacwad lagaga furay markii dambena maxkamadu ku xukuntay 4sano oo xadhig ah sida uu Wargeyska Himilo u xaqiijiyay kaalliye magaciisa ka gaabsaday.

Abwaan Cabdiwaaxid ayaa ku xidhan xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa halkaasi oo la sheegay inuu ku jirayo ama dhameysanayo mudada afarto sano ee maxkamada Gobolka Hargeysa ay ku xukuntay.

Gabayga uu Abwaanku ku taageeray Weerarkii lagu qaaday caasimadda Faransiiska ee lagu xidhay oo la yidhaahdo “Isha Cali U Fiirsada”, taas oo tuducyo ka mid ah ku taageerayo Weerarkaasi lagu hoobtay.

Abwaanka ayaa gabaygiisaas  ku sheegay inuu soo dhaw yahay Nasri ay Muslimiintu sugayeen, waxaanu ku sifeeyey weerarkaasi Paris iyo kuwa la midka ahba kuwo hiil u ah muslimiinta lagu dhibaataynaya caalamka.

Gabayga  lagu xidhay Abwaanka ayaa tuducyadeeda sida gaarka ah u taabanaya Weerarkii Paris waxa uu Abwaanku ku yidhi sidan:-

 

“Wax badan buu fidmo iyo Diin la’aan uumiyaha faraye

 

Wax badan buu fasaad, dhib iyo Qudhun ku foognaaye

 

Wax badan buu fasaxahay ceebta iyo ficilkii Reer Luude

 

Faransiis dhirbaaxada ku taal waa farriin culus

 

Tiro male bakhtiga fuurayee haadku fagayaaye

 

Alleylehe Rag foolaada oo fiican baa jaraye

 

Gaal oo dhan waakaa fajacay Xalay fiidkiiye

 

Waa kuwaa Faraqay Oohintoo taaba may filane..”

 

Abwaanku waxa kale oo uu Maansadan ku yidhi:-

 

Dakanadii Furqaan laga galaan Firiq la dhaafeyne

 

Fataaloo dhan Saaka Rasaas loola fiirsade

 

Fooxliyo Cilmaani iyo Basaas faasiqiyo Daalin

 

Saakay ku wada foorartaa furuq Alle u keenye

 

Futadaa Rag badan Gii’le oo maalal foofsaday

 

Murtad oo dhan Saakuu Fig iyo Gawrac filayaaye.”

Maansadii may ahayn gabeygii u horeysay ee Abwaan Cabdiwaaxid uu ku ammaano hawl-gallada kooxaha Adduunku Argagixisada u yaqaanno fuliyaan, laakiin sidan oo kale ayuu Maanso ugu amaanay weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaadday Suuqa West gate ee Magaalada Nairobi sanadkii 2013-ka waxaana xabsiga u taxaabtay Xukuumadda Somaliland, inkasta oo markii la sii daayey haddana mar kale lagu xidhay Puntland waxaana xadhigaasi kasoo furtay Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.

Xadhiga Abwaankan da’da yar ayaanay ka hadal xukuummada Somaliland iyo laamaha amniga Somaliland balse marar badan oo xabsiga lagu Booqday Abwaanku waxaa uu sheegay inay haystaan dad ay isku qaraabo yihiin.

 

 

Xigasho Wargeyska Himillomadia

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews