Bulshada saaray gaadhiga rakaabka shacabka waxay ka dareen celiyeen kala duwaanasha Musharraxiinta u ordaaya xilka madaxweynaha iyo sida uu uga duwan yahay Jamaal cali xuseen oo ay ku tilmaameen inuu yahay hoggaamiyaha bulshada u baahan tahay isagoo aan lahayn waxa loo yaqaano isla weynaanta, isla markaana ka war hayaa xaaladda ay ku sugan tahay bulshaddu.
Tallabadan ayaa ahayd mid ku cusub masraxa siyaasadda sababtoo ah Jamaal muu wadan wax saxafaad iyo ilaalo ciidan midnaa, sidoo kale markaa loo dhaadhaco sababta ku kaliftay Musharrax jamaal cali xuseen inuu xog ogaal u noqdo xaaladda dhabta ah ee dadweynaha damacsan yahay inuu madaxda u noqdo ay ku sugaan yihiin.