berberatoday.com
Inqilaabkii La Isku Dayay Ee Turkiga Bil Kadib Waa Sidee Xaalada Dalkaasi
August 16, 2016 - Written by Berbera Today

Waxaa daloola saqafka dhismaha baarlamaanka Meelihii ay ku shiri jireen xildhibaanada meeshii ay ku doodi jireen ayaa hadda waxaa ka buuxa burbur.

_90788788_coup1

Ankara(Berberatoday.com)-Bil ka dib, waxaa jira dulayl siyaasada Turkiga. Waxaa jira in la hadal hayo in qaybo ka mid ah baarlamaanka in loo daynayo siduu yahay, iyadoo noqon doonta xusuus joogto ah ee weerarka Turkiga lagu qaaday.

Waxay ahayd 15 July markii gantaal lagu soo riday dhismaha baarlamaanka ee Grand National Assembly.

Askarta mucaaradka ayaa isticmaalay diyaaradaha F-16 iyo helikoptaro xabadaha laga rido iyagoo isku dayaya inay xilka la wareegaan. Taangiyo ayaa yimid Ankara iyo Istanbul, iyagoo la wareegay buundada Bosphorus Bridge, weerarayna wixii ka horyimaada.

Ciidanka ayaa ku dhawaaqay amar degdeg ah, ciidamada gaarka ahna waxay galeen Hotel ku yaala Marmaris oo uu joogay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Way soo daaheen. madaxweynaha ayaa Istanbul loo qaaday. Telefoon laga soo diray diyaarada madaxweynaha ee dadka ku dhiirigaliyay inay dibad baxaan ayaa qayb wayn ka ahayds ka hortaga inqilaabka.

Laakiin 240 qof ayaa dhintay iyagoo ka hortagaya inqilaabka oo xasuus dheer ku reebi doonta waddanka.

“Waxay ahayd habeen cabsi badan- laakiin nafteena uma baqeen, waxaan uma baqaynay dadkeena”, ayuu sheegay Ravza Kavakci, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga AK ee talada haya.

“Laakiin maalintaas waxay ahayd maalin aan difaacnay dimoqraadiyada. Dadka Turkiga ayay isku keentay iyagoo is taageeraya. Waxay ahayd dagaal aan isku xoraynayno”.

Dhinaca kale, inqilaabka la isku dayay wuxuu sii kala qaybiyay dadka Turkiga oo kala qaybsanaa.

Afar inqilaab milatari tan iyo 1960-kii ayaa ayaa soo dhex galay dimoqraadiyada Turkiga oo wali yar. Laakiin dadka ayaa ka hortagay – dhiig ayaana ku daatay. Recep Tayyip Erdogan, ayaa kala qaybiya dadka – laakiin fariinta 15 July ayaa ahayd dadka Turkiga inay ku dooranayaan mustaqbalkooda siyaasada si doorasho ah oo aysan doonayn milatari inuu qabsado.

In ka badan 23,000 oo qof ayaa la xiray, 82,000 ayaa shaqada laga joojiyay si loo baaro ama la cayriyay.

Waxaa lagu eedeynayaa inay xiriir la lahaayeen wadaadka lagu eedeynayo inuu ka danbeeyay inqilaabka ee Fethullah Gulen, oo ku nool Maraykanka.

Taageerayaasha Gulen ayaa la sheegay inay dhexgaleen hayadaha dowladda sanooyin badan.

Fethullah Gulen oo aad ugu dhawaan jiray madaxweyne Erdogan ayaa beeniyay inuu ku ka danbeeyay inqilaabka.

Arda Aydin ayaa ka mid ah lix jilaa oo shaqada laga joojiyay si baaritaan loogu sameeyo. Qaar kale ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii sabab looga dhigay “inay shaqadooda ka soo bixi waayeen.”

” Waxaa shaqada na looga joojiyay sababtoo ah dowladda ayaan sanadihii la soo dhaafay, laakiin waa wax lagu qoslo in nala dhaho Gelen ayaad taageertaan. “Waxay rabaan inay mucaarad aamusiyaan- laakiin mucaaradka laa aamusin karo”.

Saddex toddobaad, kumanaan qof ayaa isgu yimid habeenkii magaalooyinka wayn, iyagoo wata calanka, dhagaysanaya qudbooyin siyaasadeed.

Dadka badankood ayaa u yimid madaxweynahooda- oo hadda haysta taageeradii ugu saraysay tan iyo markii uu xukunka qabsaday. Laakiin dadka kale ayaa u yimid waddankooda.

Waxaa jira qaranimo tan iyo 15 July. Turkiga ayaa u istaagay dimoqraadiyad. Laakiin waxaa jira cabsi iyo kala qaybsanaan. Tijaabinta dimoqraadiyada ayaan wali dhamaan.

_90788788_coup1_90788920_coup2_90788922_coup6_90788926_coup8_90788928_coup5

Source BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews