berberatoday.com
Maxaad Ka Ogtahay Saami-qaybsiga Shaqaalaha Iyo Xilalka Kale Ee Ka Jira Madaarka Cigaal
August 16, 2016 - Written by Berbera Today

Khadar65. Saami-qaybsiga shaqaalaha iyo xilalka kale ee ka jira Madaarka Cigaal, Wasaaradda Duulista Hawada iyo guud ahaan Haayadaha ka hawl-gala Gegada diyaaraduhu waxa uu duudsi ku yahay ummadda Somaliland. Taasna waxa masuul ka ah Wasiirkii Hore ee Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, xilalka ay beeshiisu haysana waxa ka mid ah: Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Duulista, Agaasimaha Waaxda hab-maamuuska (Protocol) ee Wasaaradda Duulista, Maamule-ku-xigeenka Madaarka Cigaal, Taliyaha Saldhigga Madaarka Hargeysa, Taliyaha Laanta Socdaalka ee Madaarka Hargeysa iyo qaar kale. 6. Dadweynaha ku nool waaxyaha Koonfurta Hargeysa (Axmed-dhagax, Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge) waxa ay ka qatan yihiin xuquuqda shaqaalennimo, waxaana Madaarka Hargeysa ka hawl-gala dad gacan ka hela masuuliyiin dawli ah oo ka soo jeeda deegaannada kale ee Somaliland. 7. Waxa ayaan-darro ah in Wasiirku si qaraaba-kiil uu mushar gaadhaya saddex milyan oo shilinka Somaliland ugu qoray dad ay xigaal yihiin, halka uu gunno iyo lacag aan qiil wadan ugu qoray eheladiisa. Masuuliyiinta u xil-saaran Wasaaradda Duulistu wax tallaabo ah kama qaadi karaan shaqaalayntan leexsan, waxaanay isugu jiraan kuwo gacan-yare u ah Wasiirkii hore ee Duulista iyo kuwo ka baqanaya in xil-ka-qaadis lagu sameeyo, haddii ay faro-geliyaan dadka uu masuulkaasi sii beertay. Wasaaradda Duulistu, waa xarun si dadban ugu hoos-jirta dad hore u maamuli jiray. 8. Dhulkii danta guud ee Masallaha waxa la wareegay ciidanka Milatariga, Xildhibaanno, ganacsato, masuuliyiin dawladda xilal ka haya, taasina waa meel-ka-dhac. Waxa habboonayd in loo qaybiyo dadkii laga qaaday dhulka Madaarku ku fiday. 9. Madaxweynaha Somaliland waxa uu dhul sharci leh ku wareejiyay dad gaar ah. Tallaabadani waxa ay iska-hor-keen ku ridday dadkii dhulka lahaa iyo kuwa madaxtooyada laga soo shidaaliyay. Gebi ahaanna waxa la-yaab in la baal-maro Dawladda Hoose ee Hargeysa oo masuul ka ah dhulka, isla markaana la socota lahaanshaha gaar ahaaneed ee Dadweynaha. Waxaana taas ka marag ah sidii sannadkii hore Duqa Caasimadda looga xidhay qolka soo-dhaweynta mudanka ee Madaarka Cigaal. Waxa aan u mahad-naqaynnaa bahda Garsoorka Somaliland oo joojiyay waraaqihii uu saxeexay Madaxweynaha u dhaqmaya sidii Maayarka caasimaddu. 10. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirku waxa ay dhegaha ka furaysatay in ay jid-lugeed u samayso beeralayda iyo ardayda degaanka Uubaale ee deggan duleedka Koonfureed ee Madaarka Cigaal. Waxa ay ku qaadataa dadka aan gawaadhida wadan in ay soo wareegaan muddo dhawr saacadood ah, ta kale waddada ay gawaadhidu maraan ee xagga barigu waa mid jar ah oo ay ka dhaceen dhawr gaadhi. Waxa loo baahan yahay in laga dhigo laami sax ah si loo badbaadiyo nolosha dadka iyo gawaadhidaba. 11. Ardayda Uubaale ee ku nool Koonfurta Madaarku waxa ay tacliinta u doontaan iskuullo aad uga fog dhulkooda, ka ugu dhawi waxa uu u jiraa saddex iyo toban kiiloo mitir. Deegaanka Soke ee Uubaale oo ah mid aad u ballaadhan ma laha dugsi hoose/dhexe, ardaydu waxa ay dhigataa Dugsiga Cabdiraxmaan Gadhyare oo ku yaalla Masallaha, waxa ay ku qaadataa dhawr saacadood in ay iskuulka yimaaddaan oo ay ka soo wareegaan Maxamed Mooge. Dadka deegaanka waxa lagu wargeliyay in taar lagu wareejinayo dhabbaha ay ardaydu maraan, tallaabadani waxa ay mugdi ku tahay mustaqbalkii ardayda ku nool Koonfurta Madaarka. Way fiican tahay in la sugo amniga madaarka, laakiin waxa lagama maarmaan ah in meel lagu tiiriyo baahida aqooneed ee ardayda iyo carruurta deegaanka Koonfureed ee Gegada Diyaaradaha Hargeysa. 12. Madaarka Hargeysa iyo Dekedda Berbera waxa laga furay bar-xisaabeed (account) ay leedahay shirkad ay madaxtooyadu naas-nuujiso oo xeraysa dakhliga dawladda, taasina waxa ay curyaamin ku tahay Bangiga Dhexe ee Somaliland. Xafiisyadii qaranka waxa loo hagaasinayaa si loo naaxiyo cid gaar ah.

 

 

 

 

Qalinkii Khadar mahamed Askar

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews