berberatoday.com
Suldaan Cismaan Cali Madar Oo Sheegay In Xukumada Siilanyo Kaga Baxday Martiqaad Ay Ufidiyeen Xidhitaankii Shirkii Beelaha Garxajis
August 16, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland kaga baxday Casuumad ay u fidiyeen oo ay ka aqbashay, hase-yeeshee nasiib-darro ay ka soo qayb-geli wayday Shirweynaha Beelaha Garxajis oo lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Hargeysa oo uu laba cisho ka socday.

Suldaan Cismaan waxa uu sheegay in Xukuumaddu kaga baxday Casuumadda ay u fidiyeen ee ay markii hore ka aqbashay aad uga xun yihiin, isla markaana ay noqonayso Godob Garxajis ay Xukuumadda talada haysaa ka gashay. Balse waxa uu intaas ku ladhay inaanay ku xag-xaganaynin, laakiin ay meel ugu qoran tahay, iyadoo maalin walba Masuuliyiinta Xukuumaddu ay ka qayb-galaan Shirar ay qabsadaan Qoysas aan Garxajis la sinnayn oo ay khudbado ka jeediyaan.
beelaha gerxajis

Waxa uu Suldaan Cismaan sidaa ku sheegay mar uu shalay ka hadlay xidhitaankii Shirka Tol-wanaaje ee Hargeysa lagu soo gebo-gabeeyey, waxaanu Suldaan Cismaan oo Beelaha Somaliland la hadlayaa, yidhi; “Halkan Eray Xamar ah baa ka yeedhay, Berigii aad isugu kaayo tagteen ee Somaliland oo dhami isu kaayo raacday ayaannu ugu dhawayn Xamar. Waxaan leeyahay kol haddaannu nabaddii qaadannay oo ta maanta lagu fadhiyo qoladayada xaggaa xigtaa Gaashaammo ka soo bilawnay oo waataannu idiin keennay, idinku noomaydaan iman oo noomaydaan soo ergeyn nimankiinnii isagu kaayo tegay.”

“Waxaan leeyahay Xamar beriga aannu nabadda qaadannay ayaa intii yarayd ee nagu tirinayseenna aannu gogosheedii laabnay, immikana idinkaaba u badan haddaad tihiin Somaliland-ne, waxaad weli noogu xagxagaysaan ee marka Garxajis shirayo la odhanayo malaha Xamar baa ku jirta maan garanne. Bahasha idinkaa u badan oo Xamar-ba jooga, annaga cidiba nagama joogto, Ismaaciil Buubbaa baa noogu dambeeyey oo waaka halkaa fadhiya, markaa waxaan leeyahay waar Xamartaa hannalaga daayo.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cismaan.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo Marti-qaadka Xukuumaddu kaga baxday ka hadlayaa, uu yidhi; “Xukuumadda waannu casuunnay, way naga aqbaleen Casuumaddii aannu u geynay, Askar bay noo soo direen, wakaa Bilayski nala joogo. Laakiin, waxaa nasiib-darro ah Xukuumaddii aannu casuunnay ee aannu Kaadhadhka u geynay malaha Shaydaankaa nooga dambeeyeyoo Maanta (shalay) Shirkan kamay soo qaybgelin. Taana waxaan leeyahay Xukuumaddu waxay ka qaybgashaa iska daa Qabiil weyn oo Garxajis oo kale ahe Qoys yar oo meel ku shiray bay ka qaybgalaan waagii beryaba oo ay ka dhex-qudbadeeyaan.”

“Waxaan leeyahay taas Cidna ka qarin mayno oo waa noo godob, waa Godob Garxajis, Xukuumadduna meel bay nagaga dhacday, in Garxajis oo dhan oo isu yimi oo aad Marag ka tihiin ay Casuumaddii kaga baxdo oo ay soo xaadiri waydo waa noo godob ee ogaada. Laakiin, waxaan ku darayaa xag-xagan maynee way noo qornaanaysaa inta wakhtigeeda ka hadhay, dalkuna doorasho ayuu u socdaa.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cismaan.Hargeysa (BGM) Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi ayaa madaxwaynaha DDSI Ku Bogaadiyay Darajooyinka Ciidamadda oo siiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Dawlad deegaanka somalida ethiopia
suldaanka ayaa sheegay in madaxwyane cabdi maxamud cumar ku suntanyahay horumarka dhinac walba leh ee dawladiisu gaadhsiisay ismaamulka dawlad deegaanka somalida ethiopia
waxaanu suldaanku sheegay in darajooyinkii madaxwaynuhu dhawaan u qaybiyay ciidamadda DDSI ay muujinayso horumarka baaxadda leh ee madaxwaynuhu gaadhsiisay dalkiisa
ugu dambayntii suldaan xuseen xaaji cabdi waxa uu madaxwaynaha ku booriyay inuu halkaas ka sii waddo horumarka la taaban karo ee uu ka wado dalka anaguna hadaanu nahay madax dhaqameedka dawlad deegaanka waanu soo dhawaynaynaa horumar kasta oo ka hiragala dawlad deegaanka somalida ethiopia ayuu suldaanku ku soo gunaanaday hadalkiisa

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews