Gudoomiye Ramaax Cali Hayste Oo Sheegay Inuu Iswaafin Doono Khatarta Gobolka Sool Iyo Dagdaga Uu Caanka Kuyahay
August 17, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Sool Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha Gobolka Khatarta badan ee Sool ee loo bedelay iyo qaabka uu ula macaamili doono bulshada Gobolkaasi ku dhaqan khataraha dhinacyada badan ah la dariska ah.
Gudoomiyaha oo u waramayay wargeyska Warsugan ayaa sheegay inuu ku niyad san yahay gobolka loo magaacabay,isla markaana ay ka go’an tahay ka shaqaynta wanaaga iyo horumarka gobolka islamarkaana uu iswaafajiyo dagdaga uu caan kuyahay iyo khatarta Gobolkaasi ku gadaaman ee halista ah.