berberatoday.com
Shaqaalaha Dekeda Berbera waxay xaq u leeyihiin in ay ka doodaan si Dimuqraadi ah oo salmi ah saameynta ay Wareejinta Dekedu ku leedahay noloshooda. qalinkii A/rahman fidhinle UK.
August 17, 2016 - Written by Berbera Today
Shacabka reer Saaxil gaar ahaan shaqaalaha Dekedu waa in aanay weysada  dhawran ee ay danahooda gaarka ah ka hadlaan si cokan oo Dimuqraadi ah oo nabad ah.
 Dhuuxa iyo duxda dimuqraadiyadu waxay koobaysaa in shaqsi kastaa xornimadiisa iyo xuquuqdiisu ay u cadaato oo uu helo, sidaa daraadeed waa in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha ka shaqeeya Dekeda Berbera iyo inta ku xeeran. Shaqaalaha Dekedu waxay ka doodi karaan xuquuqdooda iyo danahooda u gaar ka ah iyaga oo ku doodaaya in ay la xuquuq noqdaan shaqaalaha DPW ee Dekedaha aduunka uga shaqeeya maadaama aanay xuquuqdoodu ku cadeyn heshiiska mugdiga badani ku gedaaman yahay ee lagu dhaxal wareejinayo Dekeda berbera 30-ka Sanadood ee soo socda.
Shirkada DPW waxay ka shaqeysaa wadamo badan oo aduunka ku filiqsan taas oo ay qaar ka mid ah oo mandaqadeena ku yaala ay si xun ugu fashilantay qaarna ay ka huleeshay oo ka guurtay qalabkiina ka furatay  waxaana ay ka hawl-gashaa shirkada DPW ilaa iyo 70 Dekedood oo aduunka ku kala yaala, sidaa daraadeed Shaqaalaha Dekeda Berbera eeGeele A iyo Geele B waa in uu sheshiisku cadeeyaa xuquuqdooda oo buuxda , waana in ay  la xuquuq noqdaan shaqaalaha DPW Dekedaha ay  aduunka ku leedahay uga howl-gala ee uga shaqeeya.
Iyana shacabweynaha Degaanka Gobolka Saaxil waxay xaq u leeyihiin in mag-dhow ugaar ah  loo celiyo Degaan ahaan maadaama ay hawsha  balaadhinta Dekedu marka ay bilaabanto ay saameyn taban ku yeelanayso dhamaan Bay’ada Degaanka  Gobolka Saaxil (environmental impact  ) sida badda, beriga, iyo hawadaba taas oo waxyeeleyn taban ku yeelanaysa dhamaan noolaha badda iyo berigaba marka qiiqa, sanqadha iyo qashin saarka wasakhda badda dib ugu noqonaysaa ay aad ubadato.
 Cilmi baadhistii ugu danbeysay ee lagu sameeyey goobaha ay ku yaaliin Dekedaha waaweyn ee Container Terminal ka ah oo ay ka mid yihiin agagaarka Badaha ay ku yaaliin Dekedaha  waaweyn ee shirkada DPW  ka hawl gasho qaaradaha aduunka, ayaa waxaa la isku raacay in 16 Markab oo keliya oo ah kuwan Containarada qaadaa ay ka wasakh iyo fadare badan yihiin Gawaadhida aduunka oo dhan, sidaa daraadeed hadii. DPW higsigeedu yahay in Dekeda Berbera ay ku soo xidhaan mustaqbalka maraakiibta waaweyn ee Containarada qaadaa, Maxaa uga qorshaysan wasakheynta iyo fadareynta Badda iyo Degaanka ay Dekeda Berberi ku taalo ?  Marka hawsha Dekedu bilaabanto waxaa agagaarka badda ee Dekeda udhow saameyn doona saliid ku daadata “oil spillage” hawada oo wasakhowda  “Air pollution” iyo bulaacado lagu sii daayo  “sewages” .Sidaa daraadeed waa in shirkadu heshiiskeeda ku cadeysaa  sifihii loo xakameyn lahaa ( preventative measures ) waxyeelada Bay’ada Degaanka soo gaadhi doonta iyada oo raacaysa oo ku qotominaysa  ( Intenational Regulations ) .
Maadaama ilaa hada uu qabyo yahay Xeerarkii iyo Xeegaanadii jideyn lahaa Wareejinta Hantida Maguuraanka ah ee Qaranka Somaliland, nuxurka Heshiiska oo rasmi ahna aan la soo hordhigan Golihii Baarlamaanka oo iyagu xaq u lahaa in ay naaqishaan oo muraadkooda Dastuuriga ah ka gutaan hase yeeshee shaqsi shaqsi loo kilin-kileeyey oo loo mustafeysiiyey taas oo ah qaran jab iyo dhiig-bax dimuqraadiyeed oo dalka ku habsatay. Waxaa aqoonyahanka iyo Fogaan araga reer Somaliland ee falanqeeya  maamul xumida xukuumada Siilaanyo ay isku wada raaceen in Heshiiska DPW ay Somaliland lagashay uu ku saleysan yahay oo keliya: Hunguriga Shaqsiyaadka aan la mahadin ee raamsiga iyo qarjam-qarjamta hantida ummadda ku can baxay, kuwaas u heelan in ay qabyadooda gaar ka ah uun dhameystirtaan.
.
.
Waxaan idiinku soo garoocayaa maanta:  “ Waar maxaa ina Siyaad Laga daryee loola diriraayey ”  Mar hadii Xukuumadu qadiyadii iyo masiirkii ummadda ka horeysiisay hunguri dhaqaale oo aan ummadda loo soo bandhigin. Seyladahana ay kuwa xaraashtay Halbowlayaashii dhaqaale ee wadanka oo dhan. Xukuumada laga yeeli maayo in ay hargo waraabe shacabka u soo gashato ee waa in ay joojisaa dhiilo-hilashada iyo damaca qaawan ee danaha gaar ka ah huwan.”   Shacabow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso”
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews