berberatoday.com
Sir Culus:- Wasiirkii Duulista oo kashifey Lacag Maxamuud Xaashi Wali kaqaato madaarka iyo Xilkii Wasiirka oo ay galaafatey
August 17, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista iyo HawAda Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo loo bedelay Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa la sheegay in Xilka wasaaradda oo muddo dhawr Billood ah uu hayey ay galaaftay Lacag la sheegay in wasiirka madaxtooyadu Wakhtigii uu ahaa Wasiirka Duulista uu shaxaystay isla markana Akoono uu leeyahay loogu shubo, taasi oo aan ku dhicin Qasnada Dawlada.

Warar Xogogaal ah oo aanu ka helay Wasarada Duulista ayaa sheegay in Wasiirku maarkii uu xilka la wareegay uu arkay lacago badan oo aan qasnada dawlada ku dhicin, isaga oo amar ku bixiyey in lacagtaasi qasnada dawlada lagu shubo,

 

balse waxa markiiba arrintaasi ka xanaaqay Wasiirka Madaxtooyadda Maxamud Xaashi oo lacagtaasi qaadan jiray, khilaaf labbadaasi masuul ka dhex curtay ayaa markii danbe sababtay in wasiirkii duulista Xilkii laga wareejiyo oo wasaarada kale loo wareejiyo.
Ma ah Masuulkii kowaad ee ay Galaafto lacagta uu Maxamuud Xaashi wasaaraddasi ka qaato balse hore waxa u jiray in Wasiir Cadaani wakhtigii uu ahaa wasiirka Duulista isaguna isku dayey in lacagtaasi uu faraha la galo balse isna muddo kooban wasaaradii laga bedelay

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews