Wasiirada Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Silaanyo Oo Noqday Golihii Sare Ee Kacaanka Maxamed Siyaad Bare ee 21 Ka Sano Talinayay Wixii Laysku Odhan Jiray Somali Weyn Iyo Isku Shaandhaymaha Iyo Xil Ka Qaadista Oo Markasta Laga Reebo
August 17, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Tan iyo Markii uu madaxweyne Silanyo qabtay talada dalka, waxa ay shacabwaynaha reer Somaliland sida fiinta uga qaylinayeen sad buursiimo ay ka tirsanayeen madaxweynahooga ay doorteen, iyaga oo inta badan ku dhaliilayay dhinaca wax wada qaybsiga kuna eedaynayay in uu mar wallba sadbuursiimo siinayay beeshiisa, haday noqoto dhinaca mashaariicda,iyo khayraadka kala duwan ee dalka.
Hadaba waxaa markhaati ah in mudadii uu madaxweyne Silaanyo talada dalka hayay uu sameeyay isku shaandhayn kala danbeeyay sida uu u fasaxayo dastuurka dalku, waxaana intaaba xilka laga qaadayay masuuliyiin tiro badan, balse waxaa nasiib daro noqotay in mar walba aanay ku jirin wasiirda ka soo jeeda beeshiisa oo saami ahaan dhan afar wasiir isku shaandhayn kasta oo uu sameeyo madaxweyne Silanyo aanay haba yaraate ka dhex muuqanin inta badana uu xilalka kale oo agaasimayaal iyo maareyeyaal Wakaaladeed ugu daro beeshisa.