berberatoday.com
Wasiirada Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Silaanyo Oo Noqday Golihii Sare Ee Kacaanka Maxamed Siyaad Bare ee 21 Ka Sano Talinayay Wixii Laysku Odhan Jiray Somali Weyn Iyo Isku Shaandhaymaha Iyo Xil Ka Qaadista Oo Markasta Laga Reebo
August 17, 2016 - Written by Berbera Today

beeshaHargaysa(Berberatoday.com)-Tan iyo Markii uu madaxweyne Silanyo qabtay talada dalka, waxa ay shacabwaynaha reer Somaliland sida fiinta uga qaylinayeen sad buursiimo ay ka tirsanayeen madaxweynahooga ay doorteen, iyaga oo inta badan ku dhaliilayay dhinaca wax wada qaybsiga kuna eedaynayay in uu mar wallba sadbuursiimo siinayay beeshiisa, haday noqoto dhinaca mashaariicda,iyo khayraadka kala duwan ee dalka.

Hadaba waxaa markhaati ah in mudadii uu madaxweyne Silaanyo talada dalka hayay uu sameeyay isku shaandhayn kala danbeeyay sida uu u fasaxayo dastuurka dalku, waxaana intaaba xilka laga qaadayay masuuliyiin tiro badan, balse waxaa nasiib daro noqotay in mar walba aanay ku jirin wasiirda ka soo jeeda beeshiisa oo saami ahaan dhan afar wasiir isku shaandhayn kasta oo uu sameeyo madaxweyne Silanyo aanay haba yaraate ka dhex muuqanin inta badana uu xilalka kale oo agaasimayaal iyo maareyeyaal Wakaaladeed ugu daro beeshisa.

Waxaana isku shaandhayntan ugu danbaysay oo sida la filayo ah tii aakhirka ahayd  ee uu sameeyo madaxweyne Silaanyo mudo xileedkiisa  ay amakaag iyo anfariir ku noqotay bulshawaynta Somaliland oo  si kadis ah liiska isku shaandhaynta ugu arkay wasiiradii ugu tunka waynaa oo seeftu qaaday iyo kuwii ay madaxweynaha isku haybta ahaayeen oo aan ka muuqan liiska waxaana 24 kii saac ee ugu danbeeyay si wayn looga faaloonayay  faras magaalaha iyo meelaha lagu shaaheeyaba si wayn looga hadal hayay taas oo noqonasa boog wayn oo ku taal madaxweyne Silaanyo oo in muda ahba Shacabku ku xamanayeen hogaamiye Qabyaalada Roog Cas u Dhigay.

Dhinaca kale Wasiiradan ay isku haybta yihiin madaxweynaha oo saami ahaan dhan afar ayaa ah marwalba wasiirada ugu tunka wayn golaha wasiirada kuwaasi oo ay had iyo jeer ka muuqato kalsooni madaxweyne qaarkoodna lagu xantaba in ay iyagu isku shaandhaynta sameeyaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews