berberatoday.com
Dalka Mareykanka Haweenay Somaliyad Ah Oo Lagu Eedeeyay In Dalkaas Ku Galisay Walaalkeed Waa Ninkaygii Oo Warbaahinta Dalkaasi Dabagal Ku Samaysay
August 18, 2016 - Written by Berbera Today

Minnesota(Berberatoday.com)-Ilhaan Cumar oo ah Gabadh Soomaaliyeed oo u sharraxan Golaha Wakiillada ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, ayaa diiday eedaymo loogu jeediyey inay ka been sheegtay nidaamka ay u martay Guurka Nin ku nool Dalka Ingiriiska, kaasi oo Warbaahinta Maraykanku sheegeen inuu ahaa Walaalkeed oo ay doonaysay inay Maraykanka ku geyso inuu yahay Ninkeeda.

Warbaahinta Maraykanka oo daba gashay Nolosha Ilhaan, ayaa baahisay in Ilhaan oo 10-kii bishan August ku soo baxday Doorashada loogu gudbayo ka qayb-galka doorashada Golaha Wakiillada ee Gobolka Minnesota, inay khiyaamaysay Sharciga Guurka ee Gobolka Minnesota isla-markaana iyadoo Carruurteeda Aabahood joogo ay Nin ay Walaalo yihiin guursatay iyadoo doonaysay inay Maraykanka ku geyso inuu Ninkeeda yahay, laakiin Ilhaan Cumar oo Bog ay ku leedahay Internet-ka arrintaa kaga hadashay, ayaa sheegtay in Ninka Ingiriiska deggan ee ay guursatay aanu ahayn Walaalkeed, isla-markaana guursatay ka dib markii ay kala tageen Ninka ay Carruurta u dhashay, hasa-ahaatee Wakhti kooban ka dib uu furay Ninka lagu sheegay inuu Walaalkeed ahaa, ka dib markii sida ay sheegtay Nolosha isku fahmi waayeen.

Ilhaan oo arrimahaa ka hadleysaana waxay ku doodday, “Waxa jiray Warar la isla dhex marayey oo aan Run ahayn, kuwaasi oo ku saabsanaa Noloshayda iyo Nolosha Qoyskayga, mar labaad ayaan ku celinayaa innaba waxba kama jiraan Wararkaasi, wax Sal iyo Raad toona malaha waana wax lagu qoslo.” Ayay ku tidhi Ilhaan War-bixin ay Internet-ka ku baahisay Arbacadii Shalay

Ilhaan Cumar 1

Ilhaan oo Sharraxaad ka bixinaysa Taariikhda Nolosheeda ayaa sheegtay, “2002-dii ayaa Aniga oo 19 Jir ah waxaan guursaday Axmed Xirsi oo ah Aabaha Carruurteyda, waxaanu dalbanay warqadda (Guurka) ee Waddanka Maraykanka, laakiin Marnaba maan dhamaytirin, sidaa daraadeed iskumaanu Guursan si Sharciga Maraykanka waafaqsan, laakiin waxaanu isku guursanay si Shareecada Islaamka Waafaqsan. 2008-dii markii aanu is-qaban waynay waxaanu go’aansanay inaanu soo gabagabeyno Guurkayagii, markaasi ka dib waxaan xidhiidh la yeeshay Nin Ingiriis ah oo la yidhaahdo Axmed Nuur Siciid Cilmi, ka dibna waxaanu isku guursanay si Sharciga Maraykanka waafaqsan 2009-kii, laakiin Aniga iyo Axmed Nuur wuxuu xidhiidhkayagii soo gabogaboobay Sannadkii 2011-kii waanuna is-furnay, waxaanu ku laabtay Ingiriiska.”

Ilhaan Cumar waxa kale oo ay War-bixinta ku saabsan Nolosheeda ku sheegtay, “In la yidhaahdo waxay guursatay Walaalkeed waa arrin aan Macquul ahayn oo gardaro ah.” Ayay tidhi, waxayna intaa sii raacisay “Laakiin, waxaan ku faraxsanahay in Sannadkii 2011-kii inaanu mar kale heshiinay Ninkayga Axmed Xirsi oo aanu isku guursanno sida Diinta Islaamku Qabto, isla-markaana aanu isla korinayno Carruurtayada sida Qoysaska kaleba ay samaynayaan.

Ilhaan Cumar oo hadalkeeda sii wadata, ayaa tidhi, “Dhibaatooyin badan iyo wanaag intaba waanu soo marnay, laakiin waxaan ku faraxsanahay inaanu si wada jir ah uga soo gudubnay, wararkaa la sheegayana waxba kama jiraan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews