berberatoday.com
Khilaaf Salka Ku Haya Danno Dhaqaale Oo Soo Kala Dhex Galay Wasiirkii Hore Ee Duulista Iyo Wasiirka Madaxtooyadda Oo Soo Dadajiyay Ka Bedelka Wasaaradaas Ee Cumar Sheekh Faarax
August 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii duulista ee dhawaan xilka laga qaaday ayuu galaaftay mashruuc ay isku maandhaafeen wasiirka duulista kaas oo ahaa mashruuc ay bixinaysay haayadda fadhigeedu yahay dalka ingiriiska oo lagu magacaabo Adams taas oo wasiirku todobaad kahor mar uu safar ku tagay magaaladda adis-ababa uu la soo saxeexday mashruuc 4 milyan ah oo lagu maalgalinayo madaarka caasimadda

maxamuud xaashihaayadda adams oo ah hayadii hore madaarka ugu deeqday mashraariic ay kamid yihiin mashiinadda madaarku ayuu heshiiskan la soo saxeexday wasiirka duulistu taas oo uu ka biyo diiday wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo wali isagu si dadban u haysta maamulka madaarka hargeysa

sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen ilowareedyo lagu kalsoonyahay wasiirka madaxtooyadda ayaa wasiirka duulista wakhtigaas ku amray inuu lacagta ku soo wareejiyo madaxtooyadda taas oo uu wasiirku ka biyo diiday isagoo ku andacoonaya in lacagtan lagu maalgalinayo madaarka islamarkaana sidii haayadda bixisay ugu tala gashay loo maamulayo

waxaanay taasi keentay in wasiirka duulista laga badalo wasaaradaas, dhanka kale haayadda Ngo-ga ah ee HR oo iyagu ah haayadii lagu badalay nasha islamarkaana maamusha amaanka madaarka ayaa la sheegay in lacagta 20-ka dolar ah ee ay ka qaado dadka dhoofaya maamulkeeda isku maandhaafeen labada wasiir iyadoo wasiirka madaxtooyaddu haayadaas ku leeyahay saami dhan 50% halka inta soo hadhay ay leeyihiin ina abu site iyo koox kale

si kastaba ha ahaatee wasiirka madaxtooyadda ayaa wali isagu si dadban u maamusha wasaaradda duulista isagoo wasiirka loo badalo ku sanduleeya inaanu kahor iman awaamiirtiisa iyadoo taasi keentay in wasiirkii hore ee duulista laga badalo wasaaradaas kaidb markii uu ka biyo diiday awaamiir uu faray

isku soo wada duuboo wasiir maxamuud xaashi ayaa isagu noqday masuul madaxtooyaddu siisay awood dheeriya islamarkaana danihiisa shakhsiyadeed uga faa’idaysta xilka uu hayo

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews