berberatoday.com
Loolanka Kursiga Madaxweyne-xigeenka Waddani Oo Istaadhmay Iyo Gudoomiye Ciro Oo Madaxa Isula Dhacaya Musharixiinta Reer Awdal
August 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Loolanka murashaxnimo ee kursiga madaxweyne-xigeenka xisbiga Waddani, ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Hargeysa, ka dib markii uu soo dhawaaday shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo la muddeeyay inuu qabsoomo bisha Oktoobar ee sanadkan.

 

Loolanka ayaa wuxuu u dhexeeyaa Dr. Maxamed Xaaji Cali oo xisbiga ka tirsan iyo guddoomiye xigeenka xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo labaduba ka soo jeeda gobalka Awdal oo doonaya in loo doorto murashaxa madaxweyne xigeen ee xisbiga Waddani. Maxamed iyo Axmed ayaa bilaabay olole ay ku kasbanayaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo noqon doona cidda kala saaraysa murashixiinta xisbiga ku tartamaya.

Dr. Maxamed Xaaji Cali, ayaa maalmihii u dambeeyay laga dareemayay shirar hoosaadyo uu la yeelanayo xubnaha golaha dhexe ee reer Hargeysa, kuwaas oo uu weydiistay inay codkooda siiyaan isagoo u bandhigay inuu u sharaxanyahay inuu noqdo murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiga Waddani doorashada 2017.

Axmed Muumin Seed ayaa isna la sheegay inuu kulamo noocan ah oo kale ah oo taageero raadis ah la yeeshay xubno ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo ka soo jeeda magaalada Burco.

Si kastaba ha ahaate, tartanka kursiga madaxweyne-xigeenka xisbiga Waddani ayaa noqon doona tartanka ugu xaasaasisan uguna xamaasada badan inta uu socdo shirka golaha dhexe ee Waddani.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews