Madaxweyne Siilanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo Oo Safar Ugu Ambabaxay Gobolada Bariga Iyo Soodhaweyn La,aan Uu Kala Kulmay Deegaamada Gobolka Saaxil Hoos Ymaada
August 18, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)Safarkan Madaxweynaha Somaliland oo ay ku wehelinayaan masuuliyiin aad utira badan oo katirsan Xukumadiisa ayaa waxa uu kutagayaa Gobolada Bariga gaar ahaan Gobolka Sool caasimadiisa Laascaanood oo maalinta sabtida ay ka bilaami doonto diwaan galinta codbixiyayaasha ee doorashada la filayo inay qabsoonto horaanta sanadka 2017ka.
Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaan sidii hore loogu soo dhaweyn jiray aan loogu soo dhaweynin Degmooyinka Gobolka Saaxil hoos yimaada ee udhexeeya Jidadka Berbera iyo Hargeysa iyo jidadka Burco iyo Berbera, Waxaana lala xidhiidhinayaa soodhaweyn la,aantaas Madaxweynaha culsyka ay Xukumadiisu saartay Gobolka Saaxil awgeed iyo mushkilada ka dhalatay dhaxal wareejinta Dekeda Berbera ee Xukumadiisu ka kiraysay shirkada DP World.