Magaalada Mombasa Oo Laga Mamnuucay Xafladaha Aroosyada Ee Saqda Dhexe Habeenkii Lagu Gaadho
August 18, 2016 - Written by Berbera Today
Mombasa(Berberatoday.com)-Magaalada Mombasa oo ah caasimada labaad ee Kenya ayaa waxaa laga mamnuucay xafladaha aroosyada ee socda ilaa saqda dhexe ee habeynkii.
Arinkaa ayaa waxaa maamulka magaaladaasi ku doonayaa in uu ku horumariyo ammaanka. Dhallin yaro yaryar oo wiilal ah ayaa la sheegay in dumarka xafladahaa taga ay dhibaateeyaan gaar ahaan saqda dhexe ee habeynkii hadii ay ku gaaraan.