berberatoday.com
Maxbuuskii Sadexaad Oo Mudo Laba Bilood Gudoheeda Caafimaad Daro Ugu Geeriyooday Jeelka Weyn Ee Berbera Iyo Xaalada Jeelka Oo Laga Dayrinayo
August 18, 2016 - Written by Berbera Today

XabsigaBerbera(Berberatoday.com)-Waxa maanta galinkii danbe ku geeriyooday Xabsiga weyn ee Berbera Marxuum Lagu magacaabi Jiray Maxamed Caraale Muuse Ducaale oo kamida ahaa Maxaabiista ku xidhan xabsiga weyn ee Berbera islamarkaana ku Xukunaa mudo 8 Bilooda ah oo kala badh uu dhamaystay sida ay noo sheegeen ehelada Marxuumku.

Marxuumka ayay eheladiisu sheegeen inuu todobaadyadii udanbeeyay xanuunsanaayay waayayna wax gargaar caafimaada oo wax ka qabta Xaaladiisa caafimaadkiisa sidoo kale waxa ay ehelada marxuumku noo sheegeen in labadii todobaad ee udanbeeyay ay xaaladiisa caafimaad kala hadalayeen Taliyaha Xabsiga si uu ugu ogolaado in Cisbataalka Berbera la dhigo xaaladiisa caafimaad loogu daryeelo balse uu ka diiday Taliyaha Jeelku marxuumkuna uu xaalad adag oo caafimaad kujiray maantana uu ugeeriyooday daryeel la,aan caafimaad.

Maydka Marxuumka ayaa markii uu geeriyooday la keenay Cisbataalka laguna riday Talaagada Maydka lagu keydiyo oo uu ilaa hada kujiro waxaanay noo sheegeen eheladiisu in aanay aasayn ay dhimashadiisa iyo daayaca ninkaasi udhintay ay ku dacweynayaan Maamulka Xabsiga weyn ee Berbera iyagana ay uhaystaan dhimashada wiilkooda maadama oo ay diideen in Cisbataalka loo soo gudbiyo lagulana tacaalo Xaaladiisa Caafimaad halkaasna lagu hayo maadama oo Cisbataalka Berbera leeyahay Jeel lagu xidho dadka Maxaabiista ah ee Xaaladaha caafimaad Xabsiga looga soo saaro.

Sidoo kale waxa ay wararka aanu helay sheegayaan in labadii bilood ee udanbeeyay ay xabsiga Berbera xaalada caafimaad daro ugu geeriyoodeen sadex Maxbuus oo kii ugu danbeeyay yahay Marxuum Maxamed Caraale Muuse Ducaale oo ah ninka maanta Geeriyooday iyo labada marxuum ee kale oo ka horeeyay.

Xabsiga Berbera ayaa wax la sheegay inay ka shaqeeyaan laba kalkaaliye caafimaad oo aan daawooyin iyo qalab kale toona haysan xirafadooda caafimaadna aanay ahayn mid daberi karta Xanuunada ay hadiyo jeer ka cawdaan maxaabiista Jeelka weyn ee Berbera kujirtaa sidoo kale Maamulada Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera ayaan iyaguna kaba war qabin xaalada Xabsiga Berbera oo horena ay uga caban jireen Maamulka iyo Ciidamada ka hawl galaaba dhismihiisa oo qadiimiya oo dawladii Turkigu dhistay mudo qarniyo ka hor ah lagana baqaayo inuu dumo xiliyad dabaylaha xagaagu dhacayaan iyo xiliyada roobabku da,ayaan halis badanina ka jirto.

Sidoo kale waxa iyana ay cabasho ka muujhiyaan Maxaabiista Jeelka Berbera kujiraan Cuntada xabsiga lagu siiyo oo aan lahayn waxa nafaqo ah waxaana kamida cuntooyinka loogu kariyo jeelka Qamadi qarax ahoo habeenkii casho looga dhigo, Bariis cad oo qaraxa oo qado looga dhigo iyo Quraacda oo lasiiyo shaah bigays ah iyo laba midh oo roodhiya cuntooyinkan aan nafaqada lahayn ayaa sababa xanuunada ku dhaca maxaabiista oo aan helin cuntooyin nafaqo ay ka helaan.sidoo kale Wasaarada cadaalada oo Maamulka xabsiyadu ay hoos tagaan raashimada maxaabiistana bixiya ayaan dabagal buuxa ku samaynin madaxda xabsiyada iyo sida ay umaamulaan cuntooyinka Maxaabiista loogu talagay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews