berberatoday.com
Liin-dhanaanta Oo Laga Helay Dawo 30 Sannadood La La’aa Oo Lagaga Hortagi Karo Dhagaxaanta Kelyaha Fadhiista
August 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa dad badan ka cawdaan dhagaxaan kelyaha fadhiista oo xannuun badan ku yaha, balse waxa daraasad cusub soo saartay in maadooyin ku jirta liin dhanaanta (Citrus Fruit) ay jidhka ka saraan amma burburiyaan dhagaxaanta kelyaha amma qashinka kelyaha fadhiista.

Liin

Cilmi-baadhistu waxay muujisay in walxahan oo ay ugu horrayso haydarogsitarayte (Hydroxycitrate (HCA) ay la dagaalanto in dhagaxaantu ay ku koraan kelyaha, kadibna inta ay burburiso dibada uga soo saraan.

Arrintan ayaa hor dhac u noqonaysa dawo loo heli karo dhagaxaanta kelyaha fadhiista oo muddo soddon sanno ka badan baadi doonkeeda lagu jiray. Inta badadan dhagaxaanta kelyaha fadhiista waxa sababa macdano ku tuulma, kadibna ku weynaada kelyaha dhexdooda, taasoo inta badan ku dhaca 12 ragga iyo 7% haweenka ah.

Inta badan waxa ay macdanahan ka kooban yihiin qurbaab isu tegay oo Kaalshiyam Ogsalayte ah (Calcium Oxalate) iyo  macdano badan oo uu qofku soo saaro maka dhiig karka, macaanka amma buurnida xad-dhaafka ah ku timaado.

Cilmi-badhayaasha ayaa sheegay in liin dhanaanta maadada ku jirta ay meesha ka saarto in macdanahan ku koraan kelyaha, waxaanay fududaysaa in kelidu qashinka si fudud dibada isaga soo saarto.

Inta badan maadada haydarogsitarayte (Hydroxycitrate (HCA) waxa laga helaa liin dhanaan aad uga baxda bariga Eeshiya. Waxaanay daraasadan oo lagu daabacay jariirada Nature dibada u soo saartay in dadka liin dhanaanta toddobaadkii saddex jeer qaata ay ka badbadaan dhagaxaanta kelyaha fadhiista. Waxaanay tani hordhac u tahay in la heli karo dawo lagaga hortago macdanaha kelyaha fadhiista oo 30 sanno ee u dambeeyey la la’aa

Inta badan waxa la isticmaali jiray macdanta bostasiyan Sitrate (Potassium Citrate) oo iyadu hoos u dhigta in qashinka jidhka ku jira kelyaha ku koro amma ku hadho, balse dad badan ayaa saamaynta ay dawadan leedahay u adkaysan kari waayey.

Khubarada baadhitaankaan samaysay iyo kuwo kale oo la eegay waxa ay sheegeen in maadadan cusub ee liin-dhanaanta laga helay ay dawo u noqon karto.

Maadooyinka haydarogsitarayte (Hydroxycitrate (HCA) iyo Sitrate (Citrate) waxa maadooyin kiimikaad oo laga helo liin-dhanaanta dawooyin badana noqon kara sida khubarada daraasadan soo saartay ku doodeen.

“Maadada haydarogsitarayte (Hydroxycitrate (HCA) waxa ay muujisay in ay noqon karto dawo lagaga hortagi karo dhagaxaanta kelyaha, waxaanay ka fiicnaan karta Bostasiyam Sitrayt (Potasium Citrate) oo hore loo isticmaali jiray,” ayuu yidhi Dr. Jeffrey Rimen oo ka tirsan Jaamacada University of Houston ee dalka Maraykanka oo cilmi-baadhistan hoggaaminaysay .

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews