berberatoday.com
Masuuliyiinta Xukuumadda Ka Tirsan Ee Quudhsaday Xilalkii Loo Magacaabay Iyo Kuwa Ku Sigtay Inay Is-Casilaan
August 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Masuuliyiin hore xilal sare uga hayay xukuumadda Somaliland haatana loo magacaabay xilal meeqaam ahaan ka sii hooseeya kuwii ay hore u hayeen ayaa dhamaantood la soo wariyey inaanay ku qanacsanayn xilalkuu uu Madaxwaynuhu u magacaabay qaarkoodna ay ka fiirsanayaanba inay is casilaan.

dayr

Masuuliyiinta illaa haatan xantoodu suuqa u soo baxday ayaa  waxa ka mid ah agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Ambasaddor Cabdifataax Siciid Axmed oo Madaxwaynaha Somaliland u magacaabay Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha u qaabilsan dawladaha hoose, waxaana la sheegay inuu maagan yahay inuu is casilo balse Agaasimaha ayaa taasi beeniyey mar uu shalay warbaahinta Hargeysa kula hadlay, waxaana uu wararkaas ku tilmaamay qaar been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Agaasimaha dawladaha hoose ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdifataax Siciid Axmed ayaa qiray inay jirto tabasho dhinac xilka ah balse aanu is casilayn waxaana uu sheegay inuu xidhiidh fiican la leeyahay Madaxwaynaha iyo qoyskiisa sabab uu isku casilaana aanay jirin waxaana uu yidhi:

“waxaan filayaa xukuumadda iyo Madaxwaynaha dadka ugu dhaw inaan ka mid ahay, ibnu aadamkana waa laga yaaba inay tabasho iska timaado mararka qaarkood waana wax dabiici ah taasina qancinteedu way dhacdaa laakiin wararkaas meelahaas lagu qoray waxba kama jiraan waxaan anigu u arkaa inay wararkaasi been abuur ahaayeen”

Sidoo kale wasiirkii hore ee Ganacsiga Xuseen Aadan Deyr ayaa ka mid ah masuuliyiinta saluuga ka muujiyey xilka loo magacaabay kadib markii dib loogu soo celiyey Afhayeenka Madaxtooyada oo toban bilood ka hor laga dallacsiiyey, waxaana ilo aad ugu dhawr Xuseen Dayr sheegeen inaanu sinaba ugu qancin xilkan hadda loo magacaabay waxaana ay intaas wararku ku darayaan inuu tiroba dhawr jeer ku fekeray inuu is casilo.

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde oo haatan loo magacaabay wakiilka Somaliland u fadhiyi doona dalka Itoobiya ayaa isaga qudhiisu saluug wayn ka muujiyey xilkan loo igmaday waxaana tan iyo markii la magacaabay la la’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay iyadoo qaar ka mid ah warbaahintu ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen inay arrinkaas wax ka waydiiyaan balse may suurogalin, inuu saluug wayn qabana waxaa caddayn u ah dhaq-dhaqaaq kooban oo qaar kamid ah dhallinyarta Bariga Hargeysa ku cabirayeen sida ay uga xun yihiin in Cali Warancadde laga qaado xilka wasiirnimo oo ka dhacay xaafadda New Hargeysa.

Inkasta oo ay jiraan masuuliyiin kale oo xilal hoose loo dhiibay hadana wararka ugu badan ayaa tibaaxayay in labadan wasiir ee aynu kor ku soo xusnay aad uga biyo diideen habka ay Madaxtooyadu ula dhaqantay, ilaa hadana kamay hadal sida ay u arkaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews