berberatoday.com
Shirkada DP World Oo Dareen Diidmo Ah Ka Qaadatay Xilka Ka Qaadistii Maareyihii Hore Ee Dekeda Berbera Iyo Shaki Kaga Abuurmay Hirgalinta Heshiiska+Dib Ugurasho Ay Ku Dhaqaaqday Shirkadu
August 19, 2016 - Written by Berbera Today

Dubai(Berberatoday.com)-Maamulka sare ee Shirkadda DP World ayaa la sheegay inay si weyn uga cadhoodeen Xilka Qaadistii Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey Maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) oo ay ka aaminsanaayeen inuu yahay Khabiir dhinaca Dekeddaha oo aanay la’aantii waxba ka suurogelin Heshiis kastaa oo la galo.

Warar lagu kalsoon yahay oo u dhuundaloola Shirkadda Dp World waxa ay shaaca ka qaadeen In Maamulaha Guud ee Shirkadda Dp World Sheekh Sultan bin Sulayem uu Xilka qaadistaa lagu sameeyey Maareeyaha Dekedda Berbera ku xidhiidhiyey tallaabo horleh oo caqabad ku ah heshiiska, waxanay Shirkad ahaan u arkaan in heshiiskaasi uu ku jiro Musuq-maasuq iyo wax isdaba marin, sidaasi daraadeedna waxa xoggaha laga helay ay tibaaxeen inay Khubuuro qarsoodi ah usoo dirayaan Maamulka Shirkadda Dp World dalka gaar ahaana Magaaladda Berbera, kuwaasoo baadhis dhinacyo badan kusoo sameyn doontaa dareenka shacabka iyo Sirta ku duugan heshiiska laala galay Shirkadooda.

Waxa kaloo, xoguhuu intaa ku dareen inuu Maamulka guud ee Shirkadda Dp World u arko Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor inuu ahaa shaqsiga keliyaa ee lahaa aqoonta Dekedda shaqsiyaadkii ay la saxeexdeen heshiiska hordhaca ah ee ay la galeen Xukuumadda Somaliland. Kaasoo ahaa shaqsi ay ka muuqato in Mashruuca Maalgelinta Dekedda Berbera uu noqdo mid midho dhala oo dhinac walba wax la isla qiimeeyo.

Inkastoo Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera Cali Xoor-xoor uu ahaa shaqsiga keliyaa ee diiday saxeexa heshiiska lala galay Shirkadda Dp World ee la wareegida Dekedda, hadana waxa diidmadan laga soo weriyey Maamulka shirkadda Damacsan inay la wareegto Dekedda, ka muuqaneysaa inay shirkaddu araagto dhibaatooyin ay keeni kartoo aqoon la’aanta shaqsiyaad kamid ah Xukuumadda masuuliyiinta usoo saxeexay heshiiska, sidoo kale, waxa ay shirkaddu ka fekeraysaa caqabadaha iyo isla jaanqaad la’aanta ka dhalan kartaa maamulkan cusub iyo degenaan la’aanta dadweynaha deegaanka oo kasoo horjeeda, kuwaasoo arkaa inuu Maareeyihii hore ahaa shaqsi arrimaha waxka qaban karaa.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews